Wasiir dowlaha Sacuudiga oo fartiin soo garsiiyay Madaxweyne Famaajo, diidayna in uu la kulmo Kheyre (Xog)

Reading Time: 2 minutes

Sida Muqdisho Online shalay idinkuugu gudbisay waxa maanta magaaladda Muqdishu yimid Wafdi ka socday dowladda Sacuudi Carabiya. Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiir Dowlaha Sacuudiga u qaabilsan Arrimaha Afrika Ahmed Abdul Aziz Kattan.

Sida MOL ay u xaqiijeen saraakiil ka tirsan Xafiiska Madaxweyne Farmaajo, Wasiiru Dowlaha ayaa waxaa uu soo gaarsiiyay Madaxweyne Farmaajo fariin qaasa oo ka waday Boqorka Dalka Sacuudiga Boqol Salmaan.

Wasiiru Dowlaha Sucuudiga Ahmed Abdul Aziz Kattan oo kulan albaabada u xiran yahay kula yeesha garoonka Adan Cadde MW Farmaajo.

Wafdiga ayaa markii ay yimaadeen magalaada Muqdishu, waxaa loo diyaariyay gawaari ay ku tagaan Xarunta Villa Soomaaliya, laakiin Wasiiru Dowlaha ayaa diiday in uu tago Villa Soomaaliya.  Waxaa uu codsaday in Madaxweyne Farmaajo isaga ugu yimaado Garoonka Diyaaradaha kalana wareego fartiinta loo waday.

Inta uu wafdiga ku sugnaa Garoonka Qaybta VIP ayaa Ra’iisal Wasaare Kheyre   waxa uu codsaday in uu waafidga kula kulmo  Garoonka Diyaaradaha  laakiin waxa taana ka hor yimid Wasiiru Dowlada oo sheegay in uu la kulmayo oo kali ah Madaxweyna Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa saacad ka dib gaaray garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Kulanka u dhaxeeyay Wasiiru Dowlaha iyo MW Farmaajo ayaa waxa uu qaatay 13 daqiiqo oo kali ah. Lama oga sababta uu Wasiiru Dowluhu ugu adkeeystay in uusan tagin Xarunta Villa Soomaaliya laakiin waxaa laga yaabaa in ay tahay arimo la xiriira amnigiisa iyo in Villa Soomaaliya oo ah goob uu ka taliyo Fahad Yasin taas oo keeni karta in hadalka sırta oo uu doonayo in uu la wadaago MW Farmaajo lala wadaagi karo wadamo kale.

Inkastoo ayan wali soo ifbixin waxa ay ka hadleen labada dhinac hadana dowlada Sacuudiga ayaa rabto in ay digniin kama danbeeys ah siiso MW Farmaajo. Sida ka muuqata isbadalka ku yimid Geeska iyo Bariga Afrika, Xulufada Sacuudiga ayaa  ku guuleysteen in ay hantiyaan Baddda Cas iyo nawaaxiga Geeska Afrika. Madaxda cusub ee dhawaan la wareegtay hogaanka dalka Suudaan ayaa cadeeystay in ay si buuxda u taageersan yihiin xulufada Sacuuga iyo Imaaraadka. Maalintii doraad ayaa  ahayd markii Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Qatar loo diiday in diyaaradiisa ay ka soo degto garoonka diyaaradaha Khartum.

Ila lagu kalson yahay ayaa sheegaya in MW Farmaajo laga codsaday in uu safar deg deg ah ku tago dalka Sacuudiga oo uu diyaarada la raaco Wasaaru Dowlaha, lakiin Safarkaas ayaa dib loo dhigay daqiiqadihii ugu danbeeyay

Bisha Ramadaan ayaa la filayaa in Sacuudiga uu qabto shirweyne u dhaxeeya Afrika iyo Sacuudiga, kaasoo looga hadlayo iskaashiga iyo wax wada qabsiga.