Waxaa magaalada Laascaanood safar ku tagay mid kamida wasiirada ka soo jeeda Gobolka Sool, gaar ahaan Wasiirka Isgaadhsiinta Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif.
Sida ay sheeagayaan wararka naga soo gaarayo Wasiirka ayaa isku dayaya inuu ku qanciyo Garaadyada Dhulbahante inay shir wadatashi ah u tagaan magalaada Muqdisho, halkaasna ay kula soo kulmaan madaxda Dowlalad Federaalka.
Wasiir Jamac ayaa ah mas’uulkii u horreeyey ee taga Gobolka Sool & Magaalada Laascaanood oo ka socda xukuumadda federaalka Somalia. Wasiir jaamac xasan khaliif ayaa xalay kulan kula yeeshay Gudaha Laascaanood Gudida 33 ka ah ee Beelaha Dhulbahante “Khaatumo- SSC”.
Garaadyada Dhulbahante ayaa horay u diiday inay safar ugu baxaan magaalada Muqdisho iyaga oo sheegay in xiligaan ay ku jiraan dagaalka ayan wax macno ah sameeynaynin inay u safraan Magaalada Muqdisho.