Dhawaan R/wasaare Xassan Cali Kheeyre waxaa uu magacaabay dhowr wasiir kuwaasi oo ka mid noqday Golahiisa wasiirada waxeeyna u badnaayeen shaqsiyaad la yaqaan islamarkaana caan ku ah Boob iyo wax isdaba-marin.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya daahir Maxamuud Geelle ayaa lagusoo waramayaa in uu bilaabay kala dirista Shaqaallaha Wasaaradda Qaarkood kuwaasi oo aan ka mid aheeyn shaqaallaha Rayidka ah Balse qaata-kaliya Lacago kunno ah.
Sid ay Xogta ku heshay Muqdisho Online Shaqaalahiisa ayaa u badan kuwa uu shaqaaleeysiiyay Wasiirkii Ka Horeeyay C/raxmaan Yariisoow,Sababta ugu weeyn uu shaqadda looga Cirdeeynaayo Dhalinyaradaasi ayaa lagu sheegay in ay tahay inuu rabo Qaadashada Kunooyinka la siiyo.
Waxaa nasiib xumo ah in dhalinyaro aan Goobaha kale Warbaahinta ka howlgalo karin oo ay ku dhacday shaabad laga Joojiyo shaqadda taasi oo u dhigan Niyad jab lagu ridaayo Dhalinyarada iyo dilkooda oo Al-shabaab loo bandhigaayo