Wasiir Cawad”Majiro Heshis Dowladi Hore Ay Saxiixday oo Ku Adan Dekadda Iyo Garoonka Berbera”

Reading Time: < 1 minute

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibada Dowlada Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash kaasi oo ahaa in Heshiiska Dekadda iyo garoonka Diyaaradaha Berbera ay la galeen Dowladii Xasan Shiikh Maxamuud.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda wararka Reuters ayaa meesha ka saaray in uu jiro heshiis dowladii hore Soomaaliya dowlada Imaaraadka Carabta kala gashay Dekadda iyo garoonka Diyaaradaha Berbera.

Waxa uu sheegay Wasiir Cawad in aysan ogeyn heshiis dowladii hore iyo dowlada hada jirta kala gaartay Imaaraatka Dekadda Berbera.

“Maya maya xukuumadda soomaaliya ma oga heshiis imaaraadka ay dowaldihii dalka soo maray iyo dowladaan ay la galeen imaaraadka ama ay madaxda imaaradka ay natuseen laakin wasiiru dowlaha ayaan ka maqalnay I n uu sheegay in Isfahan uu heshiiskaas ku dhacay xataa hadii uu jiro isfahan misi qoraal ah ayuu ku dhacay mise mid afka laga wada hadlay laakin Imaaraadka ayaan weli ka sugeynaa heshiiskaas ayuu yiri Wasiir Cawad”,.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibada Dowlada Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash oo wareysi gaar ah siiyay Bbc-da laanteeda af Carabiga ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin Midnimada Soomaaliya, isagoo caddeeyay in aanay wax xiriir ah la laheyn Somaliland, islamarkaana Qunsuliyad iyo Safaarad midna ku laheyn.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!