Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa kula kulmay Magaalada Geneva ee Switzerland Guddoomiyaha hey’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey (UNHCR) Mudane Filippo Grandi, waxa uu kala hadlay barnaamijka dib ugu celinta dalka si iskeed ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, Yemen iyo Liibiya.
Kulanka miro dhalay oo sidoo kale looga dooday kaalmo u fidin degdeg ah oo lala gaaro qaxootiga kahor intaanan dalka dib loogu celin iyo kadibba, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ergeyga Joogtada ee Soomaaliya u qaabilsan Xarunta Qaramada Midoobey ee Geneva, Marwo Faadumo Cabdullahi Maxamuud (Insaaniya), Safiirka Soomaaliya ee wadamada la isku yiraahdo “Benelux” iyo Xarunta Midowga Yurub ee Brussels Dr. Cali Siciid Faqi, Guddoomiyaha Hey’adda Qaranka ee Arrimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha, Mudane Axmed Cabdikarim Nuur (Axmed-Daahir) iyo Ergeyga gaarka ee Soomaaliya ee Tahriibka iyo Xuquuqda Caruurta, Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf.