Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa labadii asbuuc ee la soo dhaafay safar shaqo ku joogay dalka China.
Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxda sare ee dalka Shiinaha. Sidoo kale waxa ay heshiisyo kala duwan la saxiixdeen shirkado ay leedahay dowlada Shiinaha.
Safarka Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxa fududeeysay dowlada Federaalka Soomaaliya iyada oo uu u dirtay dalka Shiinaha qoraal sheegaya in Madaxda Puntland ay wakiil ka yihiin dowlada Fedaraalka Soomaaliya.
MOL ayaa waxa ay heshay nuqul ka mida qoraalo uu Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dowlad Fedaraalka Mudane Axmad Ciise Cawad uu u diray dowlada Shiinaha.
Bisha Maajo 7deedii ayaa qoraal uu diray Wasiir Axmad Ciise Cawad uu ugu sheegay dowlada Shiinaha in dowlada Federaaalka Soomaaliya ay raali ka tahay heshiiska lala galaayo madaxda Dowlada Puntland. Sidoo kale waxaa qoraalkaas lagu sheegay in ay dowlada Federaalka soo dhaweynayso heshiiska ay wadagaleen labada dhinac kaas oo kaalin wax ku ogool ah ka qaadanayo horumarka Puntland.
Mid ka mida wafdiga la socda Madaxweyne Saciid Deni oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa u sheegay MOL in ay abaal weyn uga hayaan Wasiir Cawad kaalinta muga leh ee uu ka qaatay guusha laga gaaray safarka Shiinaha. Waxa uu yiri “…xaqiiqdii wasiirka aad buu noola shaqeeyay, ma aha kaliya in uu qoraalo u qoray dalka Shiinaha balse waxa uu qadka teleefanka kula hadlay mas’uulyiin ka tirsan a dowlada Shiinaha”. Waxa uu intaas ku daray “Wasiirku sidoo kale, si joogta ah ayuu madaxweynaha ula soo hadlayay inta aan joogno dalka Shiinaha”.
Waxa dad badan isweydiinayaan saameyn intee la eg ayaa ay talabaadan ku yeelanaysaa dowlad goboleedyada kale ee aan wasiirada ku lahayn dowlada Fedaraalka. Waxaa maxay ujeedada uu ka danbeeysa in uu madaxweyne Farmaajo si dahsoon u taageero Dowlada Goboleedka Puntland? Muxuu kaga badashay taageeradaas?
Halkaan ka aqirso nuqalka qoraalka uu Wasiir Axamed Ciise Cawad u qoray dowlada Shiinaha