Wasiirka Wasaasarada Arimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmad Ciise Cawad oo wareeysi uu siiyay Idaacada VOA qaybteeda Afka Soomaaliga ku sheegay in moqwifka dowlada Soomaaliya ee la xiriirta warbixinta ay qortay wargayska New York Times uu yahy mid laga been abuuray Dowlada Qatar.
Waasiir Cawad ayaa yiri “ Safiirka Qatar ee Soomaaliya ayaa maanta xafiiskeyaga iigu yimid waxana uu ii sheegay in ayan waxba jirin waxa laga qoray”. Wasiirka ayaa ku daray in uu rumaysan tahay in hadalka laga qoray dowlada Qatar luu yahay been abuuray.
Wasiir ayaa ku celiyay in mowqifka xukuumada Soomaaliya ay tahay in ayan arintaas la baaran lana dabagalin.
Mar la waydiiyay in ay dowlada soo dhaweynayso baaqii codsigii Madaxweynaha Puntland ee ahaa in labada gole baaraan eedeynta loo soo jeediyay Dowlada Qatar, Wasiir Cawad ayaa sheegay in arintaas ayan xukuumada soo afjaratay hadii labada gole baarayaan iyaga ayaa ay u talaa.
Wariye Haaruun Macruuf oo waydiiyay Wasiir Cawad sida ay suuragal ku tahay in dowlada Soomaaliya beeniso jiritaanka codka laga duubay dowlada Qatar iyada oo dowlada Qatar qoraal ay soo saaratay ayan marnaba ku beeninin jiritaanka codka la duubay. Wasiir Cawad oo difaacaya Qatar yiri “Mowqofka xumuukamada Soomaaliya waa in ayan waxba ka jirin warbixintaas iyo codka la duubay, dowlada Qatar waxa ay saaxiib dhaw la tahay Soomaaliya”.
Hadalka ka soo yeeray Wasiir Cawad ayaa waxa uu u muuqda mid mas’uuliyad daro ah isla markaana aanay qiimi ugu fadhiyin dhiiga shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale hadalkaan ayaa waxa uu sii fogaynayaa wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka, gaar ahaan dalka Maraykan oo la tuhmayo in uu sirdoonkiisu duubeen codkaas.
Halkaan ka dhagayso wareeysiga Axmad Ciise Cawad.