Iska hor-imaad hubaysan ayaa fiidnimadii caawa magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray Ciidanka Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland iyo Ciidamo waardiye ka hayay guriga Nabaddoon Yaasiin Cabdi Samad oo uu ku sugnaa Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali.
Wararku waxay sheegayaan in is Rasaasayn dhexmartay labada dhinac uu dhaawac culus ka soo gaaray Taliye ku xigeenka Qaybta Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland G/dhexe Cabdi Siciid Xuseen (Koomaad).
Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in Iska hor-imaadka uu salka ku hayay arimo siyaasadeed, iyada oo dowlada Puntland ay horay u sheegtay inay mamnuucday kulamo soyaasadeed in lagu qabto Deeganada hoostaga Puntland.
Dagaal ka caawa ayaa dhexmaray Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland iyo ciidamo waardiye ka hayay Guriga Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad oo uu ku sugnaa wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse Cali.
Hal askari oo la socday Wasiirka ayaa ku dhintay is rasaaasaynta waxaana ku dhaawacmay saddex qof oo ay ku jiraan Taliye ku xigeenka Qaybta Booliiska Gobolka Mudug iyo Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad.
Dhaawacyada Nabaddoonka iyo Taliye ku xigeenka Qaybta ayaa loo qaaday isbitaal halkaas oo lagu la tacaalayo xaaladooda caafimaad islamarkaana waxaa la sheegay in dhaawaca Taliye Koomaad uu yahay mid culus.
Wasiir CabdiSacid ayaa dhankiisa sheegay in dagaalkii caawa lagu soo qaaday uu ahaa mid lala beegsaday noloshiisa la doonayayna in lagu qaarijiyo.
Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa isna yiri “Waxaan rabaa inaan u cadeeyo Bulshada Soomaaliyeed iyo Shacabka Puntland falkii ka dhacay Gaalkacayo caawa mas’uuliyadeeda waxaa iska leh Wasiirka Arimaha Dibada DFS Cabdi Siciid Muuse oo magaalada Gaalkacayo u yimid ka mira-dhalinta siyaasad ma dhalays ah iyo khal-khal galinta amniga guud ee magaalada Gaalkacyo”