Wasiir Cabdiraxmaan Cabdullaahi Faarax oo loo xiray Musuq-maasuq

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Hargeysa ayaa waxaa shalay lagu xiray Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Faarax (Guri barwaaqo),kaasi oo lagu eedeeyay arrimo la xiriira Musuq-maasuq.

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa waxaa la sheegay in ay soo xireen Wasiirka,isla markaana Maanta la horgeyn doono Maxkamada Hargeysa si wax looga weeydiiyo eedeymaha loo haysto ee la xiriira Musuq-maasuqa.

Shaqada Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ayaa waxaa si KMG ah loogu dhiibay kuxigeenkiisa Maxamed Muuse Abees.