Wasiir Cabdirashiid: Heshiiska shidaalka waxaa ila ogaa Farmaajo

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Batroolka Soomaaliya Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa ka ka warramey heshiis la sheegey in ay Soomaaliya la gashey shirkad lagu magacaabo Coastline Exploration LTD taasi oo ay shidaal uga soo saareyso 7 xirmood oo ka mid ah xeebaha Soomaaliya. Heshiiskan oo xafiiska madaxweynaha iyo kan Ra’isul wasarahuba ay diideen jiritaankiisa iyo ogaanshiyihiisa ayuu wasiirku sheegey in uu Soomaaliya u yahay fursad dhaqaale iyo mid wax soo saar.