Wasiir C/fitaax geeseey oo Xildhibaanada Baarlamaanka Maanta Hor-tegaya!!

Reading Time: < 1 minute

Kulanka Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka furmay Xaruntooda Magaalada Muqdisho,waxaana maanta uu ajendaha yahay aqrinta 1aad ee Hindise sharciyeedka Naqshadeynta Magaalooyinka.

Xeerkan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Howlgala guud iyo Guriyeynta ayaa waxaa kulanka Golaha shacabka ka hor aqriyay Wasiirka Wasaaradda C./Fitaax Geesey.

Xeerkan ayey golaha marsiin doonaan saddex aqrin,waxaana ay kaddib gelin doonaan codka iyaga oo saxiixaya una gudbinaya aqalka sare ilaa marka dambe uu ka saxiixo Madaxweynaha kuna soo boxo faafinta rasmiga ah.

Kulanka maanta ee Golaha shacabka waxaa xaadiray 151 Xildhibaan,waxaana Shir Guddoominaya Guddoomiye Maxamed Mursal Sh. C/Raxmaan.