Wasiir Beyle oo raadinaya cid uu u saariyo musuq maasuqa lagu soo eedeeyay

Reading Time: < 1 minute

Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho waxaa Maanta kulan koodii caadiga ahaa ku yeeshay Xildhibaanada Golaha Shacabka,waxana kulanka Maanta uu ahaa mid ka duwan kulamadii hore.

Xildhibaanada ayaa waxaa hortegay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya si ay Xildhibaanada su’aalo uga weeydiiyaan eedeyntii Guddiga Maaliyadda ee aheyd ku tagrifal iyo musuq maasuq miisaaniyadda dowladda ee Sanada 2018.

Wasiir beyle oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in marnaba uusan ogolaan doonin in hantida qaranka lagu takri falo,waxana uu sheegay in isaga lagu heysto Mashruuc ii fuli.

Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka ayaa Warbixintii ay soo saareen isku khilaafsan waxaana xubno ka mid ah guddiga ay sheegeen in aysan waxba kala socon Warbixintaas.