Wasiir Beyle oo loo sheegay in uusan ku mashquulin isdifaac balse uu keeno cadeymo

Reading Time: < 1 minute

Wasiir Cabdirahman Bayle oo dhawaan la kulmay safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Amb. Yamamoto ayaa kulankaas loogu sheegay in uusan waqti ku lumin diffaca iyo eedaynta Gudiga Maaliyadda ee baarlamaanka, gaar haan  qaabka ay ku timid warbixinta Gudiga Maaliyadda  balase uu la yimaado cadeeymo muujinaya qaabka ay  lacagta ku baxday,  cida bixisay iyo dhamaan dokumenti cadeyn ah. Safiirka ayaa u sheegay in sharafta dowlada iyo tan wasaradda ay lu jirto in ayan baarlamaanka la dagaalin laakiin ay la yimaadaan cadeeymo.

Yamamoto ayaa yiri “eeda baarlamaanka waxa ay ku xirmi kartaa idinka oo keena cadeeymo iyo qoraalo raad raac leh oo la si sharci ah uga jawaabayo eedeyanta baarlamaanka” safiirka ayaa ku daray “waxa  ka muuqato isdifaac aan muhim ahayn kaas oo keenay in shaki badan abuurmo”

Wasiir Bayle ayaa carabaabay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka kuwaas oo uu ku edeeyay in ay isaga lacag waydiisteen si ay ayan uga horimaan howlaha Wasaaradda. Wasiirka ayaa iyada oo maldahan oo aan toos ahayn oo ay ku jirto asluub waxaa loogu sheegay in ay dhibatada ka jirga gudaga dowladda Soomaaliya ay dhexdiida xaliso lana isticmaalo hay’adaha cadaalada. Waxaa yaab ku noqotay dadka shirka fadhiyay in uu Wasiir  sheego magacyo xildhibaano isaga oo u dacwoonayo wadamo shisheeye.

Safarka uu Bayle ku tagay Neyroobi ayaa ujeedadeedu ahayd in beesha caalamka oo walwal ka muujisay musuqa baahay ee ka dhex jira dowladad iyo madaxda sare in uu ku qanciyo in ayan jirin musuqmaasuq.