Wasiir Beyle oo  ka Walaacsan halkii uu ka bixin lahaa $50 ila $60 Milyan oo lagu Takrifalay.

Reading Time: 3 minutes

Wasiirka waxaa uu sheegay in bishaan uu khasaare soo gaaray dawladda maadaama ay ganacsatadii kaliya ee canshuurta laga qaadi jiray ay diideen inay canshuur bixiyaan. Runtii waa ceeb iyo lama arag in qof sheeganaya aqoonyahan dhaqaaleyahan ah  oo haddana wasiirka Wasaaraad Maaliyadeed ah oo intaas oo aqoonyahanno ah y u shaqeyso hay’adda uu ka mdax yahay inuu kala garanwaayo in khasaare uu ka iman karo canshuur aan wali la qaadin, la ansixin, lana sharciyeyn. Wooyo ganacsatada ma diidin canshuurihii hore ee waa tan uu Baralamaanka tuuray oo ah  Canshuurta gadista oo markii horaba khalad loo saaray ganacsatada ayey si sharci ah u yiraahdeen annaga maaha cidda laga rabaa canashuurta gadista, iyadoo guddiga maaiyadda ee Baarlaamankana ay ky raaceen ganacsataada, una sheegeen wasiirka inay sharcidarro tahay waxa uu soo rogay.

$50 ilaa $60 Milyaan ayaa maqan

Haddaba hadda eyey bannaaka u soo baxday sababta uu wasiirka suuf iyo xajo iskugu dhijinayo. Wasiirka oo aan si fiican wajigiisa ugu fiirsaday markii uu Shirka saxafadeeka qabanyey waxaa wajigiisa ka muuqatay muruga weyn waayo waxaa ku maqan lacag dhan $50 ilaa $60 oo si khalad ah loo isticmaalay loogana saaray khasnadda dawladda.

Habdhaqankan oo aan  waafaqsaneyn habraaca maaliyadeed ee lagu heshiiyey waxay saameyn weyn ku yeelaneysaa barnaamijkii IFMta ee SMP (Barnaamijkii la socodka maaliyadda) haddaan khasnadda dawladda lagu soo celin dhammaadka bishan.

Haddaba wasiirka si uu ugu baxsado Inay IMF ka baxdo heshiiska ay dawladda la gashay ee SMP (Staff Monitoring Progarm) Barnaamijka la socodka maaliyadda dawlada oo ku eg May 2018, waa in hadda uu helaa marmarsiiyo shacabka loogu been sheego, inkastoo ay IMF ta amartay in lacagtaas lasoo celiyo khasnadda dawladda haddii kale uu burayo heshiiska.

Iskudayga wasiirka waxaa ka mid ah,  si uu taas ugu badbaado Inuu cashuurta ku kordhiyo ganacsatada kaliya ee canshuurta bixisaa.

Ganacsatada Gobolka Banadir weligood canshuur ma diidin, balse ma ogolaan karaan canshuur sharcidarro ah, waayo dawladda iyagaa biila oo ay ku nooshahay marka laga tago xoogaaga ay soo tuugsato.

Wasiir Beyle  ayaa horay waxaa uu su soo noqday wasirrka arimaha dibadda iyo xiriirka calaamiga dawalddii HSH. Bayle  waxaa uu inta ku hadlaa haddallo aan loo meldayin iyo isagoo is burriya si joogto ah, kana warqabin mas’uuliyadda saaran? Mar uu

khudbad faanfaan ah u jeedeinaya dad somaliyeed  ayuu dhowr jeer yiri

 “ Waxaannu nahay dalka iyo dadka adduunyada ugu musuqmaasuqa badan” Hadalkaas hadal mas’uul maaha ee waa hadal siyaasi dan leh oo Farmaajo ayaa ku hadaaqi jiray markii uu socod-baradka siyaasadeed ee kursidoonka ahaa, inkastoo ay wali u muuqato inaan waxba u kordhin dhanka siyaasadda iyo hogaaminta minaba.

Wasiir Beyle waxaa fursad loo siiyey inuu hogaamiyo siyaasada ariimaha dibadda ee dawladdii Xasan Sheekh iyo Cabdiweli  waa la ogaa wixii u falay oo qormo kale ayaan u dhigan doonnaa.

Xelligaan oo la filayey inu noqdo siyaasi gaamuray wali waxaa uu ka bixi la’ayahay inuu ku hadaaqo hadallo aan ay masuuliyadi ka fog tahay , iyo iasgoo ah waa wasiirka maaliyadda ayuu kala garan waayey canshuurta gadista iyo Tariifa kordhin. Canshuurta  gadista lagama qaado ganacsatada ee waxaa laga qaadaa shacbiga iyo cidda u dambeysa ee badeecada isticmaaleysa. Haddii shilin lagu kordhiyo canshuurta laga qaado ganacasatada wax soo dejiya waxaa la kordhiyey waa tariifada. Sidaas darted canshuur 5% ee dul dhigay ganacasatada gobolka Banadir si facood looga reebo waa tariifada oo intaas kor loo qaaday.

Dhinaca kale Beyle waxaa ismooday inuu yahay kaliteliye wuxuu qoraaba ay sharci noqonayaan waayo wasiir inta meel soo istaago canshuur ma sameyn karo canshuurta waxa waajibiya barlamaanka ee wasaaradda maliyada waa soo diyaarisaa, laakiin Beyle intuu xafiis isku soo xeray oo afar qof oo u gaar ah una nacam nacamleysa u yeeraty ayuu 5% la soo booday.

Beyle oo markale iska hadlay waxaa uu yiri in waa in dalka laga guuraa haddaan canshuur la bixineyn, haadalka waa sax oo ha la bixiyo cidda aan canshuur bixineyn, balse hadalkaas ma qabto ganacsatada gobolka Banadir. Waayo waligeed Muqdisho ayaa dawlad hadalkeed lagu hayey, calanka kor loo hayey, loo dhintay, canshuurna la bixin jiray. Sidaas darted waxay MO online ka siineysaa xaal mug leh ganacsatada Gobolka Banadir warka odayga aan is maqal ee mas’uuliyad sheeganaya ka soo yeereya. Haddiisa ay cid baxeyso Beyle isagaa tivkit u go’an yahay oo aan kala jecleyn inay dunto iyo dawlad weyn noqoto haddii uu sidaan u dhaqmayo.

Ugu dambeyn mas’uuliyadi waxay ku fadhiisataa shakhsi ee shahaadooyin kuma fadhiisato. Waxaad arkeysaa aqoonyahanno ku sheeg Somaliyeed oo inta badan sankooda wax ka fog aan wax ka arkin, haddana ku dooda inay haystaan intaas oo shahaaddo, Beylana waa la mid oo waxaa la yirahdaa “Waraaqo badne waxtar yare

Waa run aqoonta qofku waa kabtaa laakiin waxaa kala laba ah inaad aqoon leedahay iyo inaad aqoonta isticmaali kartid. Aqoon Google ayaa meel la fadhiya. Heeso la tiriyaa horumar ma keenaan.