Wasiir Beyle: Khasnadaheenaa Buuxa anigu ma oran, mana Buuxaan….

Reading Time: 2 minutes

Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya, Dr. Bayle oo muuqaal kooban soo duubay ayaa si cad u beeniyey waxa ka jira wararka sheegaya in dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo ay qasanadda uga tegtay lacago badan, isla-markaana ay buuxaan.

Wasiir Bayle, muddadii 5ta sano ahayd derbiyda been cad la taagna ayaa markaan wuxuu gartay inuu la baxsan Karin been dambe waxaanu biaabay inuu is daba qabto. Haddaba been uu hore si xariifnimo ah ugu sheegay ayuu saxay wuxuuna doorkaan beeniyey wararkiisii hore, wuxuuna sheegay in dadka faafiyey in lacag laga tagay ay saameeyeen mas’uuliyad darro aad u weyn sida uu hadalka u dhigay.

Qolooyin oranaya Khasnadaheena ayaa buuxa lacago fara badan baa laga tegay waxyaalaha noocaan oo kalaa aniga runtii waxaan u qaadanayaa mas’uuliyadda darro waxaa kale oo taa ii wehliyo oo aan maqlayaa wasiir Bayle ayaa sidaas yiri,” ayuu Beyle markaan yiri, waana markii ugu horreysay muddo 5 sano ah oo uu runta ka sheego xaaladaha Maaliyadda dalka.

Wuxuusa Beyle inkiray wax uu in badan horay u sameyn jiray, kuna dhaqmi jirtay intii uu ka tirsanaa dowladdii Farmajo, waxaanu yiri “Waxaan doonayaa dadyahow Soomaaliyeed aniga kolaba inaan been sheego laygama baran waxaan jecelahay in marwalba wixii jira oo run ah oo la taaban karo inaan idinla wadaago,”.

Haddii xisaabaha iyo haddallada is burrinaya ee uu intaas nala wadaagagay dib loo raaco weel kasta oo aan ku gurno waa buuxdhaafayaa.

Dr. Bayle ooh adda garowsaday in dowladdii beenta uu waqtigeeda dhamaaday ayaa markaan xaqiijiyey in aysan hadda buuxin qasnadda dowladda, isla-markaana aysan jirin lacag looga tegay haba yaraatee, wuxuuna xusay in xaqiiqada jirta ay sidaasi tahay.

Qasnadaheenaa buuxa anigu ma oran, mana buuxaan. ciddii tiraahdana waa mas’uuliyad darro runtiis sidaas ayaa xaqiiqadu tahay,” ayuu markale yiri wasiir Bayle.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo horey taageerayaasha Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Farmaajo ee loo yaqaano CBB inay aad u faafiyeen wararka la xiriira in dowladdu ay ka tegtay lacago badan oo ku jira qasanadda taasoo ugu dambeyn uu beeniyey wasiir Beyle ka hor inta aan xilka lagala wareegin lana soo bandhigin waxa looga tagay.

Iska dhaaf khasnadda dowladdee Madaxtooyadii qaranka ayaa deyn lagu leehay, sidoo kale lacago loo soo shubay shaqaalaha iyo xildhibaanadii barlamankii hore,  bilihii ugu horeeyey ee 2017 ayaa Beyle iyo kooxdiisa afka iska mariyeen oo hal bil oo kaliya ayaa laga siiyey shaqaalaha iyo Xildhibaanada, kuwaas oo weli u qeylinaya xaqooda, intee kale Beyle iyo kooxdii NN ayey ku maqan tahay.

Wasiirka cusub  ee Maaliyadda noqon doona waxaa laga filayaa inuu la yimaado xisaabo caddeynaya waxa uu la wareegayo , waxa maqan halka ay ku maqan yihiin  iyo waxa la sugayo ee soo socda.