Wasiir Beyle “Inta aanad ciidanka xisaabin, adiga is xisaabi (Musuqa Wasiir Beyle – Caddeyn)

Reading Time: 5 minutes

Waa muhiim dagaalkaan lagula jiro Musuq maasuqu waana talaabo soo kordhin karta horumar dhaqaale, dhaqan dowlad wanaag iyo islaxisaabtan. Wasiir Beyle ayaa ciidanka xoogga dalka ee difaaca ku jira ku eedeeyay in aay qaataan laba mushaar iyo in aay yihiin ciidan beeleed xilli uu shalay magaalada Muqdisho kula hadlay dad la soo soocay.

Wasiir Beyle isla xisaabtanka iyo tirakoobka aad sheegtay maku jiraan shaqaalaha xafiiskaada? iyo wiilasha aad adeerka u tahay oo laba mushaar iyo ka badan aad u qortay?

Mushaarka aay qaataan wiilashaada bil walba waxay mushaar iyo raashin u noqon kartaa boqolaal ka mid ah ciidamada difaaca kaga jira furimaha dagaalka halka wiilasha aad adeerka u tahay bishii aad ka bixiso $3000 dollar hotel qaboojiye leh.

Sida kal hore Hanti Hantidhawrka Qaranku uu baaris ku sameeyay sedex (3) nin oo ka mid ah gacan yarayaasha Wasiirka Maaliyadda isla markaana ay xigto dhow yihiin mudane Beyle, sidoo kale Agaasimaha Wasaaradda Maaliyadda mudane Shire Jimcaale oo isagu ahaa ninka u fududeeyay in Musuqaas uu ka dhaco Wasaaradda.

Seddex shaqsi ee lagu soo eedeeyay ayaa weli qaata seddex mushaar iyo ka badan. Waxaa halkaa kaaga muuqda iyagoo fadhiya shirkii uu shalay qabtay Beyle ee uu ku sheegay in askarta mushaarkoodu ahaa $100 doollar oo si farsamaysan laba mushaar u qaatay.

Liban Obsiye. Waxaa uu mushaar sanadkii u qaataa $182,400.00 sanadkii taasoo u dhiganta $15200 bishii
Nur Ali Omar (Dubad) wuxuu mushaar u qaataa $7500 bishii Abdullahi Hussein Nor wuxuu mushaar u qaataa $8400 bishii

In sharciga lagu fuliyo dadka aan garabka haysan oo ay Soomaalidu u taqaan “looma ooyaanka “ iyada oo aan lala xisaabtamin ama aan sharciga la hor keenin dadka isbidaya inay haystaan garab ay isku hallayn karaan. Arrintaan waxaa ka dhalan kara

Sida ay dad badan la socdeen waxaa Wasaaradda Maaliyadda ka dhacay Musuq baahsan oo markii uu soo shaacbaxay Hantidhawrka Qaranku uu baaris ku sameeyay sedex (3) nin oo ka mid ah gacan yarayaasha Wasiirka Maaliyadda isla markaana ay xigto dhow yihiin mudane Beyle, sidoo kale Agaasimaha Wasaaradda Maaliyadda mudane Shire Jimcaale oo isagu ahaa ninka u fududeeyay in Musuqaas uu ka dhaco Wasaaradda

Sidee wax u dheceen? Yaa qaata seddex mushaar iyo ka badan? Xaggee ka qaataan?

Magac Haya’dda uu lacagta ka qaato Jago/title Lacagta/bil Sanad Wadar/sanad
  • Liban Obsiye
African Development Bank Policy Advisor $10,000.00 $120,000.00
Wasaaradda Maaliyadda La Taliye $4,000.00 $48,000.00
Wasaaradda Arr. Dibadda Qunsul $1,200.00 $14,400.00
  $182,400.00
2.Nur Ali Omar (Dubad) World Bank Communications & Reporting $7,500.00 $90,000.00
Wasaaradda Maaliyadda La Taliye $4,000.00 $48,000.00
Wasaaradda Arr. Dibadda Shaqaale $700.00 $8,400.00
Wadar  $146,400.00
 3.Abdullahi Hussein Nor World Bank Administrative Assistan $3,750.00 $45,000.00
Wasaaradda Maaliyadda Baratakoolka Wasiirka $3,000.00 $3,600.00
 Wasaaradda Arr. Dibadda  Shaqaale  $700.00  $8,400.00
   Wadar $57,000.00

Saddexdooda sanadkii waxay qaataan $385.800 (saddex boqol & sideetan iyo shan kun iyo sideed boqol Hanti dhowrka qaranku wuxuu baaritaan ku waday kiisaskaan musuq maasuqa ah muddo lix bilood ah. 

 Kiisaskaan ayaa ahaa mushaaraaad iyo gunooyin ay ka kala qaadan jireen Wasaarada Maaliyada, Arimaha Dibada, Safaarada Sweden, Baniga Aduunka, iyo Bangiga Afirka, lacagtaan oo qaarkood la qaadanayey mudo 2 sano ah.

Dhacdadaan Musuq Maasuqa ee foosha xun oo lagu lunsaday lacag gaaraysa $385,800.00 sanadkiiba mudadaas ilaa iyo hadda  shacabka Soomaaliyeed ma helin cadaalad la horkeeno arintaan oo si cad u muuqata lana hayo cadymihii ducomentiyada lagu qaatay lacagaahaas.

Arrintaan waxay noqonaysaa mid lagu ogaado in ay Xukuumadda ka dhab tahay inay Musuqa la dagaasho iyo in kaliya looma ooyaanka la ugaarsanayo caddaalad ma aha ee caddaalad darro lagula kacaayo shacabka masaakiinta ah ee lagu helay xatooyo $100 doollar ah.

Haddaba waxaad hoos ka daalacataa baaritaankii Hantidhowrka uu ka sameeyay seddexda nin iyo caddeeymo wareeysiyadii lala yeeshay ee ay ku qirteen in ay danbiga galeen, balse, halkii laga sugaayay in caddaaladda la horkeeno wuxuu Hantidhowrka amray oo kaliya in ay soo celiyaan lacagta ay ka dhaceen qaranka.

Haddii ay caddaalad jirto, dhabna ay ka tahay MW Farmaajo waa in uu caddaaladda hor keena tuugada qiratay dhaca hantida ummadda, lana marsiiyaa ciqaabta ay mudan yihiin.

Halkan hoose ka akhriso wareysiga iyo warbixintii Hanti Dhowrka