Wasiirkii hore Maaliyadda ee dowlada federaalka C/raxmaan Ducaale Beyle oo mudo lix sano ka hor ku biiray dowlada federalka Soomaaliya isaga oo ka tirsanaa shaaqaale hay’ad caalami ah ayaa waxa uu mar-qura isku badalay nin taajir ah oo malaayiin doolar heysta.
Waxa lagu qiyaasaa hantida uu ka dhacay dalka iyo dadka Soomaaliyeed $50 Milyan oo lacagta Mareykanka. Waxa uu dhismayaal isugu jora Hoteelo, suuqaq waaweyn ka wadaa meelo badan oo kamida caalamka iyo gudaha Soomaaliya.
Shantii sano ee u Farmaajo dalka madaxda ka ahaa waxa dalka Soomaaliya ka dhacay boob dhaqaale oo aan lahaynin isla xisaabtan. Waxaa milyaneero noqday dhalinyaro yar yar oo ka tirsan ciidanka Dowladada iyo saraakiil ka shaqeeya qeybaha kala duwan ee dowlada federaalka, haba ugu badnaadeen Gobolka Banaadir.
Cabdiraxman Bayle oo aan marna ka xishoonaynin dhaqaalaha uu ka xaday umadda Soomaliyeed ayaa waxa uu Hotel casri ah ka dhistay magalaada Hargeysa iyo dhsimayaal waaweyn degaanka Boorame.
Hotelka Bayle ka furtaty Hargeysa oo ah hotelka ugu casrisan ee laga dhiso magalaada Hargeysa waxaa xarigga ka jaray Madaxweyne K/xigeenka Somaliland, Wasiirla Ganacsiga, Mayarkii hore Hargeysa, Xildhibaano iyo odayaal kale ayagoo ku ammaanay Wasiirka Beyle iyo Qooyskiisa in hantida ay heleen ku maal gashadeen Somaliland halkii ay Soomaaliya ka gashan lahaayeen.
Nasiib xubo lix sano ka dib maanta ayaa uu ummada Soomaaliyeed si aan cabsi lahaynin ugu soo bandhigay xisaab celinta Miisaaniyaddii dowladi Farmaajo ee uu ka tirsanaa.
Dhanka kale, waxaa warar kalae ay sheegayoaan in Wasiir Beyle uu doonayo in uu dib ugu laabto waxa uu ug yeelay “dalkayga hooyo ee Somaliland”.
Dowlada Somaliland ayaa ku amaanto Cabdirahmaan Beyle in ahaa wasiirkii keliya ee ka tirsnaa dowlada federaalka oo aan maalin qura erey xun ka sheegin dalka uu u dhashay ee Somaliland.
Isla xisaabtan la’aanta dalka Soomaaliya waxa ay keentay in Soomaaliya noqoto goob ay u soo shaqomtagaan kooxo qowleysato ah oo doonayo in ay dhiiga shacabka miirtaan.