Wasiirka Maaliyadda waxaa uu kamid yahay xildhibaannada inta badan ka beensheega hawlaha uu qabto. Dhinaca kale wasiirka wareysi uu Muuq baahiyaha BBC-da siiyey ayuu ku shegay inay tahay markii ugu horreysay ee uu maqlo lacagtii lagu abaalmariyey xildhiaanaddii riday guddomiyihii hore ee barlamanka Maxamed Sh CUsman Jawaari, lacagtaas oo loo bixiyey “Xaqul Ciid”.
Waxaa uu yiri aniga maanta ayaa iigu horreysay maqalka lacagtaas. Been badana odaygu
Hawlahaasna sidaan ayey u dhaceen: $5,000 ayaa la siiyay dhamaan inta ku saxiixan liiska. Dadka qaar ayaa xilal loo ballan qaaday, qaarna dhaqaale badan ayaa la siiyay iyadoo la fiirinaayo saamaynta ay leeyihiin. Sidoo kale waxaa qeylidooda iyo Af dheeridooda lagu abaalmariyey Xil Zakariye iyo Cali Ganey oo loo iibiyay baabuur aan xabadda Karin. Tolow xaggee looga tagay Cabdullahi Sh Ismaciil oo sharci aqoontii iyo waaya-aragnimadii meel dhigtay iyo Xil Dahir Amin Jesow oo loogu iibin waayey gawaarida geeri-celiska loo qaatay. Lacagaha waxaa uu loogu dhiibay xildhibanda dad ay isku beel yihiin waana sia soo socota: Beyle waa number 26.
Beesha Digil iyo Mirifle:
- Xil Yacquub
- Xil Abdirahman Amardambe
- Xil Xussen Sh Batni
Beesha Hawiye:
- Xil Cali Ganey
- Xil Abtidon yare (mulkiilaha Hotel SYL)
- Xil Carabow
- Xil Cabdurahman Dheere
Beesha Dir
- Xil Xusen carab ciise
- Xil Maareeye ( wasiirka ganacsiga)
Beesha Daarood:
- Xil Xayir (wasiira dowlaha maaliyadda)
- Xil Daleys
Beesha 5aad:
- Xil Khadiijo Diiriye ( wasiirka dhalinyarada)
- Xil Abdirashiid Shikhalow ( wasiirka Batroolka)
- Xil Maxamed Cabdikafi
Beenta wasiirka halkaan dhageysta iyadoo uu liiska uu xaqal ciidiisa ku qaatay uu kaga jiro numberka 26.