Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa la qorsheeynayaa in uu iscasilo ka dib markii uu shaqo xumo weeyn kala kulmay R/wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheeyre Iyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.
Axmed Ciise Cawad ayaa dhowr jeer waxaa dhacday in shaqooyin waajibkiisa ahaa in loo bedelay Shaqsi kale oo saaxiib la ah Kooxda qiyaano qaran ee villa Soomaaliya jooga,taasi oo uu si aad ah uga carooday Wasiirku.
Safarkii ugu dambeeyay ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ku tagay Magalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa la xaqiijiyay in aan lagu wargelin wasiirka islamarkaana laga dhuuntay taasi oo soo dadajisay go’aanka Axmed Ciise Cawad.
Sidoo kale Dhawaan markii Madaxweyna Farmaajo gaaray Magaalada Doxa ee Dalka Qatar waxaa booskiisii lagu bedelay Wasiirka Qorsheeynta Jamaal Maxamed Xassan kaasi oo la rumeeysan yahay in uu yahay saaxiibka kooxda Qiyaano qaran.
Talaabadaan ayaa hadii ay dhacdo waxaa ay la mid tahay in uusan jiri Karin wasiir la shaqeeyn karo R/wasaare xassan cali kheeyre maadaama uusan u madax banaaneeyn Karin shaqadiisa,taasi oo cadeeyneeysa in kalsooni aan lagu qabin inta badan wasiiradda.