Wasiiru-dawlaha Horumarinta iyo Afrika ee dowlada Ingriistala, Xubina ka ah baarlamaanka Ingirriska, matalana magaalada Royal ee Sutton Coldfield, Mudane Andrew Mitchell ayaa kulan khadka taleefanka kula yeeshay Madaxweynaha dalka la magac baxay Somaliland.
Wasiirka ayaa sheegay inuu Madaxweyne Muuse Biixi kala hadlay arimo ay ka mid yihiin arimaha Laascaanood. Qoraal uu soo saaray ayuuna ku sheegay in loo baahan yahay in xal deg deg ah loo helo arinta Laascaanood.
Wasiir Andrew Mitchell ayaa yiri, “Waxaan la hadlay madaxweynaha #Somaliland Biixi anaga oo ka walaacsan colaadda Laascaanood, iyo dib u dhaca doorashada. Awoodda dhaqaale ee Somaliland waa mid aad u weyn – laakiin xasiloonidu waa aasaaska guusha. Xabad joojin degdeg ah ayaa loo baahan yahay & khariidad doorasho ayaa loo baahan yahay in la daabaco”.