Wasiir Aadan Bare oo ciida Kristaanka kala qeybgalay ciidanka Kenya ka jooga Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Difaaca Kenya Aden Duale iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Difaaca Kenya Gen Francis Ogolla ayaa booqday Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ee ku sugan Xarunta Qeybta Lixaad ee  fadhigoodu yahay Magaalada Kismaayo, si ay kor ugu qaadaan niyadooda.

Booqashadan ayaa sidoo kale la xiriirtay in ciidanka laga qaybgalo  xuska xilliga ciidaha Kiristaankaoo bu beegnay shalay  ciidanka  oo ku sugan goobihii ay ka howlgalayeen. Ducaale ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Kismaayo waxaa uu kulan la qaatay madaxweyne Axmed Madoobe.

Isagoo khudbad u jeedinayay ciidamada ku sugan garoonka cusub ee Kismaayo FOB, Ducaale ayaa sheegay in booqashadan ay tahay mid ay ugu mahadcelinayaan dhammaan askarta ka maqan qoysaskooda xilliyada fasaxa iyo ciidahooda.

Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyattta ayaa sanadkastaa ciidanka kenya ee ka jooga Soomaaliya kala qaybgali jiray xuska ciida Kiristaanka. Adan Bare oo lagu eedeeyay inuu yahay qof xag jir ku ah ah diinta islaamka ayaa doonayay in uu dadka Kenya u muujiyo inuu yahay  wasiir dhexdhexaad u ah dadka Kenya.