Wasiir Maareeye maxuu kula kulmi doonaa Golaha shacabka ?

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaalia ayaa waxa ay Maanta oo Axad ah kulan aanan caadi ehayn ku yeelandoonaan xaruntooda ay ku shiraan oo kutaalada Magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka ayaa waxa uu yahay sida qorshaysan uu Golah hortago Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Federaalka Soomaalia Maxamad Cabdi Xayir Maareeye koo oo kol hore Xildhibaada qaar dalbadeen in uu Golaha horyimaado.

11-kii Bishaan ayaa Xildhibaano gaaraya 11 Xubnood waxaa ay  Guddoonka Golaha Shacabka  u gudbiyeen qoraal ay uga codsanayaan in uu wasiirka horyimaado si wax looga weeydiiyo arrimo la xiriira sharciyada Warbaahinta Qaranka,waxaana guddoonka uu soo saarey Warqad uu wasiirka uga dalbanayo in uu Golaha horyimaado 15 Bishaan oo Maanta ah.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dhawaan bilaabey la xisaabtanka Wasiirada Soomaaliya,waxaana dhawaan hortegay Wasiirada Amniga iyo Gaadiidka iyo Duulista,kuwaas oo Su’aalo adag la weeydiiyey.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!