Washington Examiner oo ku eedeyay Farmaajo inuu taagero argagaxisada

Reading Time: < 1 minute

Wargeyska caanka ah ee Washington Examiner kana soo baxa magaalada looga taliyo dalka Maraykanka ee Washington DC cadadkisii soo baxay shalay ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo  uu taageero kooxaha argagaxisada.

Wargayska oo ka mida wargaysyada taageera Xisbiga Jamhuuriga ee talada dalka Maraykanka haya isla markaana ka mida wargeysyada sida tooska ula safan qadiyaha Madxaweyne Trump ayaa wax uu soo xigtay hadal uu Farmaajo ka sheegay shirkii uu la yeeshay gudiga Amniga.

Waxaa laga dawaanayaa Video laga soo duubay Farmaajo oo leh “Aniga Shabaabkeena waa doqomo Soomaaliya kaliya ayaa ay qarax ka sameeyaan kama sameeyaan qaraxyo dalalka kale” . Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa ku guubaaninaya kooxaha Argagaxisada ah in ay weeraraan wadamada kale oo ay qaraxayada iyo dilalka u dhoofiyaan wadamada kale.

Sida wargeysku sheegay hadalka ka soo yeeray Farmaajo ayaa waxa uu daliil u yahay in Farmaajo yahay qof taageera kooxaha Argagaxisada isla markaana jeclaan lahaa in qaraxyo ka dhacaan dalalka kale ee dariska la ah Soomaaliya.

Mid ka mida saraakiisha Amniga oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego oo ay la hadashay MOL  ayaa yiri “..marka aad u fiirsato dhibaatooyinka ka dhacaya dalka guud ahaantiis iyo gaar qaraxyada ka dhacaya magalaada Muqadishu iyo qaabka uu u hadlay Farmaajo waxaan shaki iiga jirin in uu isagu yahay Al Shabaab, waxaana dalka iyo dadka ugu baaqaynaa in dalka ninkaan waalan laga qabto”.

Wargeyska Washington Times ayaa ugu baaqaya beesha caalamka, gaar ahaan dowlada Maraykanka in ay gabi ahaanba joojiso taageerada ay siiyo Dowlada Farmaajo isla markaana la xisaabtanto.

Halkaan ka daawo hadalkii Farmaajo