Wasaradda Warfaafinta oo cabsi soo wajahday iyo baaritaan saaka lagu sameeyay

Reading Time: < 1 minute
Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Qaybaheeda kale duwan waxa ay saakay ku soo tooseey walwal iyo cabsi ka dib markii shaki ku yimid amaanka xarunta. Ciidamo boolis iyo eeyo u tababaran urinta waxyaabaha qarxa ayaa saaka baaritaan ku sameeyay xarunta Wasaaradda Warfaafinta oo ay ku taallo Warbaahinta Qaranka sida Telefishinka iyo Raadiyo Muqadishu, waxaana eeyaha iyo booliska gaarka u tababaran ee afka u duuban ay mid mid u baareen qolalka xafiisyada, studiyaha raadiyaha iyo telefishinka.
Wixii ka soo kordho baaritaankaaas gadaal ayaan idinkaaga soo sheegi doonaa