Wasaradda Maaliyadda Dowladda F oo isku badashay qasnad laga masruufo shaqasiyaad ehel la ah Wasiir Beyle (Cadeymo iyo Sawiro)

Reading Time: 3 minutes

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Fedaraakal Cabdirahman Beyle ayaa in mudo  ah ku faanayey in uu musuq ka dhaamaday dowladda isla markaana Dowladda Fedaraalka ku guuleysatay in ay dhaqaalaha dowladda soo galo uu kordhay. Hadaba waxaa maalinba maalinta ka danbeeysa isa soo tareeysa ceebaha musuqa ee uu lugaha kula Wasiir Beyle. Wasaaradda Maaliyadda ayaa isku rogtay qasnad uu Wasiirk Beyle ka masruufo saaxibadiisa iyo qaar ka mida eheladiisa.

Waxa magaca Wasaaradda Maaliyadda lagu shaqaaleysiiyay  shaqsiyaad kuwaas oo ku qaato musharaad isla markaana dowladda ka bixiso lacago badaan oo lagu sheego in ay ku baxayaan deegaanada ay ku noolyihiin iyo amnigoodaba (Hotels and Security).

Sida ku cad waraaqaha ku lifaaqan qormadaan, waxaa jira shaqsiyaad mushaaro kala duwan ka qaata dhowr hay’adood taas oo uu bixiyay ogolashaheeda Wasiirka Maaliyadda Cabdirahman Beyle.

Wasiir Bayle ayaa sadax nin oo ay ehel  yihiin ka shaqaaleysiiyay Wasaaradda Maaliyadda. Sadexdaan shaqsi oo la kala yiraahdo  Liiban Obsiye, Mr Nuur Cali Cumar  iyo  Mr Abdullahi Hussein Nur  ayaa waxa mushaar ay ka qaataan Wasaradda Maaliyadda iyaga oo sidoo kale lacag kale ka qaata African Development Bank oo  ah hay’ad ay dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay ka kaalmeeyso mashaariic iyo barnaamijyo.

Iyada oo la ogyahay in sadaxdaas shaqsi ay mushaaras joog ah  ka qaadataan Wasaaradda Maaliyadda iyo ADB ayaa hadana waxaa Wasiir Beyle uu amar ku bixyay  in sadaxdaan qof Wasaaraddu ku bixiso lacago qaansheegasho ah oo ka kooban lacago ku baxaya hoteelo, gunooyin qarashaad safaro been abuur ah,  gawaari la kireysaty iyo waliba ciidan amni oo ayaga ilaaliya. Inta badan qaansheegashada waa been abuur la doonayo in lagu dhaco lacagta umadda.

Talabadan guracan ee uu Wasiir Beyle ku dhaqaaqay ayaa waxay ay burineysaa balantii uu MW Farmaajo ka qaaday shacabka Soomaaliyeed. lunsiga hantida shacabka  waxaa tusaale cad u  ah qoraalada ka soo baxa Wasaaradda. Sida aan ku aragataan qoraalada la socda qormadaan waxaa jira warqad uu ku saxiixan yahay Agaasimaha  Guud ee W/Maaliyada Mr Shire Axmed Jimcaale laakiin uusan ku saxiixneynin Xisaabiyaha Guud ee Dawlada Federaalka Soomaaliya Marwo Faadumo Cismaan Faarax.

Halkan ka aqriso Waraaqaha idiin muujinaya musuq-maasuqa dowladda Farmaajo:

Liiban Obsiye shaqaale Wasaarada Maaliyada qarashaadka ku baxa iyo jiifka Hotelkiisa

Nuur Cali Cumar shaqaale Wasaarada Maaliyada sifada shaqo (Communications And Reporting Consultant). Qarashaadka ku baxa iyo jiifka Hotelkiisa

[pdf-embedder url=”http://46.101.175.207/wp-content/uploads/2018/10/MoF.pdf”]

 

 

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!