Wasarada Diinta Iyo Awqaafta oo Ku Dhagan Hoteelada Muqdisho Digniina u Dirtay Milkiilayaasha Hotelada

Reading Time: < 1 minute

Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Dowlada Fadaraalka Soomaaliya ayaa Maanta shaacisay in ay jiraan Hotelo lagu sameeyo waxaybo aan ogolyn diinta Islaamka,isal markaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Masuuliyiinta Wasaaradda oo shir Jaraa’id ku qabtay muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in Wasaaraddu ay Gacan bir ah ku qaban doonto Hotealda ku howlan sameynta waxyaabaha aan ogoleyn Diinteena Islaamka.

War ka soo baxay Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta ayaa ku soo aadaya xilli maanta ay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ay soo saareen war ku aadan inaan Muqdisho lagu qaban Karin bandhig faneed,iyadoo Muqdisho ay joogaan Fanaaniin qurbaha ka yimid oo 20-bishan Bandhig faneed qaban raba.