Kulan shalay ku dhexmaray Magaalada Muqdisho Wasaarada Waxbarashada Xukumada Soomaaliya iyo Iskuulada Dowlada ay leedahay oo ay si gaaara umaamulaan shaqsiyaad ayaa waxaa soo baxaya walac xoogan oo ka imaanya Maamulayaasha Iskuuladaasi gacanta ku haayo.
Wasaaradda Waxbarashada Xukumada Soomaaliya ayaa shalay kulan la qaadatay Maamulayaasha gacanta ku haayo Iskuulaadka ay dowlada lahaan jirtay, waxaana Wasaaradu ay amar ku bixisay in dib loo soo celiyo Xarumihii Waxbarasho ee dowladii dhaxe oo bur burkii dalka kadib sigaara gacantooda ugu jirtay Shaqsiyaad.
Mid kamida Maamulayaasha iskuulaadkaasi ayaa sheegay inay aaad uga xunyihiin hadalka ka soo baxay wasaaradada Waxbarashada, waxuuna sidookale xusay in Wasaaradu ay haatan wado abaabulka dibad bax arinkaasi lagu taageerayo.
Sidookale waxuu intaas ku daray in Maamulayaasha Iskuulaadka dowlada gacanta ku haayo lagu amray inay ka soo qeyb galaan Banaanbax arinkaasi lagu taageerayo, oo ay abaabulkiisa wado Wasaarada Waxbarashada Xukumada Soomaaliya.
Halkaan Ka Dhageyso