Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/laahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa ganacsatada dalka kaga digay in dalka ay soo geliyaan waxyaabaha Maandooriyaha ah oo uu ugu horeeyo Qamriga.
Wuxuu sheegay in talaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadayo raggii isku daya in dalka ay soo geliyaan waxyaabaha aan munaasabka aheyn in laga ganacsado, maadaama wadanka uu yahay dal Muslim ah.
“Wadankan waa wadan Muslim ah, waa wadan aan la keeni karin Xashiish, Qamri, kama hadlayo Kontorobaan, waa ka mamnuuc wadankan in la keeno, waxaan u sheegeynaa ganacsatada Soomaaliyeed wadankan lama keeni karo waxyaabahaas oo kale, kaman yeeleyno.” Ayuu yiri Wasiir Qaloocow.
Hadalkan wuxuu ka sheegay kadib kormeer uu shalay ku tagay xarunta canshurta kala wareejinta Hantida, xarunta Canshuurta wado martista iyo Dekeda Magaalada Muqdisho.
Ciidanka dowladda ee ku sugan Dakadda Magaalada Muqdisho ayaa 27-kii March ee bishii ina dhaaftay gacanta waxa ay ku dhigeen Kunteenar ay ka buuxaan Qamri, kadib markii baaris lagu sameeyay.
Qamrigan ayaa waxaa laga soo dajiyay Dakadda Magaalada Muqdisho, waxaana xilliga la qabanayay la saarayay gaari u soo waday Magaalada gudaheeda.