Wasaaradda Arimaha Gudaha ee DF oo markale ku celisay in waqtiga MW Xaaf ku eg yahay bisha Juulaay 4teeda (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

War Murtiyeed  ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa ayaa loogu baaqday Madaxda Galmudug in doorashooyinkaas lagu qabto mudadii loo asteeyay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in xiliga xilhaynta Madaxweyne Xaaf ay  ku egtahay bisha Juulaay 4teeda sidaas darteedna loo baahan yahay hannaan doorasho oo hufan, kana turjumaya dimoqraadiyadda iyo tartanka furan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa  sidoo kale ku baaqday shirweyne dib u heshiisiin oo lagu xalliyo arrimaha Galmudug, kaasoo ay isugu imaanayaan dhammaan waxgaradka iyo hoggaanka dhaqanka, laguna magacaabo Guddi farsamo oo qaban qaabiya shirweynahaas.

Shirkaan ayaa waxa horay uga horyimid beelaha ku dhaqan degaanka Galmudug iyaga oo u arka shirkaas in uusan ahaynin mid ka tarjumaya danaha shacabka Galmudug.

Halkaan ka aqriso warmurtiyeedka ka soo baxay Wasaaradda.