Wasaaradda Amnigga oo kasoo horjeesatay  Amarkii Madaxweyne Farmaajo  Ee Ahaa In shacabka Jidadka Loo Furo!!

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha  Dowladda Federaalka ah ee soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa   manta Bartiisa Twitter-ka waxaa uu soo dhigay Qoraal kooban oo uu Hay’adaha amniga ku amraayay in dadka shacabka ah u furan Wadooyinka si ay usoo gutaan Howlahooda Shaqo.

Hadalkaasi Madaxweynaha kasoo baxay mid ka hor imaanaya ayaa waxaa uu kazoo baxay Wasaaradda amniga gaar ahaan Afhayeenka wasaaradaasi C/casiis Xildhbaan.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook-ga islamarkaana uu ku sheegay Warsaxaafadeed ayuu ku sheegay in Wasaarada amniga ay Ciidamada Fareeyso in ay Halkooda joogaan islamarkaana ay amniga xaqiijiyaan

              Qoraalka Afhayeenka Wasaaradda Amnigga ayaa waxaaa uu ahaa sida tan

Waxaa waajib naga saaran yahay ilaalinta NAFTA & MAALKA muwaadiniinta Soomaaliyeed mana jirto waddo laga xayiray isu socodka dadka iyo Gaadiidka magaalada Muqdisho.

Laba arrimood isma qabtaan haddii uu QARAX dhaco dowladda ayaa dayacday amnigii, haddii ciidamadii dowladda Dhaxanta, QABOWGA, QORAXDA & ROOBKA u dhex taagan yihiin ilaalinta maslaxadda shacbiga Soomaaliyeed, MA AHAN arrin la aqbali karo in nalagu DHALIILO waa la isu socon waayay, haddana kooxaha #NABADDIIDKA ee SHARWADEYAASHA aad guryaha ku qarsataan.

Wasaaradda amniga gudaha waxay faraysaa ciidamada in ay u dhimriyaan una fududeeyaan dadka RAYIDKA ah isu socodka suuqyada #GANACSIGA iyo marista waddooyinka, isla markaana IL gaar ah ku eegaan kuwa dambiyada abaabulan iyo xassilloonidarrada wada magaalada Muqdisho.

Hadalkaan ayaa waxaa uu meesha ka saarayaa hadalkii Madaxweyne farmaajo,waxaana ceeb ah in war kazoo baxay Madaxweynaha qaranka in ay ka hor imaadaan Shaqsiyaad hoose oo ka mid ah Wasaaradda amnigga.