Wasaaradda amniga oo soo rogtay amar ka dhan ah Madeira iyo terminal-ka MOVCON oo la xiray

Reading Time: < 1 minute

Wasaaradda Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya oo tixraaceyso warqadda tixraaceedu yahay Ref. OPM/0194/04/2022 ee ka soo baxday Xafiiska Ra’iisulwasaaraha ayaa hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ku amartay inay degenaanshaha kala noqoto Danjire Francisco Madeira isla markaasna aan dib dambe loo siin waraaqaha dalku gal ka ah.

Sidoo kale wasaaradda ayaa hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha fartay inay go’aankaan ku wargeliso dhammaan cida ay qusayso in Danjire Francisco Madeira dalka lakeeni karin maadaam uu yahay qof aan dalka laga rabin.

Warqadda kasoo baxday wasaaradda Amniga ayaa waxaa lagu faraya  hay’adaha amniga, gaar ahaan kuwa ka hawlgala Garoonka Aden Cadde in Danjire Madeira aanu soo geli karin dalka maadaama uu yahay qof aan dalka laga rabin.

Ugu dambeyntii wasaaradda ayaa ku wargelisay isla markaasna fartay Hey’adda socdaalka iyo Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde in si ku meel gaar ah loo xiray dhammaan hawlahii terminal-ka MoveCon ilaa iyo amar dambe laga bilaabo 10/04/2022.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay wasaaradda Amniga