Wasaaradda Amniga oo Qorsheeyneeysa  qaab Al-shabaab Loogu Fududeeynaayo ineey geeystaan Weeraro iyo Qaraxyo!!

Reading Time: < 1 minute

Sida ay inoo xaqiijiyeen Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Amnigga waxaa ay Wasaaradda Amniga Soomaaliya dajisay qaab cusub oo laagu fududeeynaayo Al-shabaab in ay geeystaan Weeraro iyo Qaraxyo .

isbedel ayaa lagu  sameeyay qaabki ay ciidamada amaanka u ilaalinayaaeen Caasimadda,waxaana hadda Koontaroolada Magaalada Muqdisho laga Dareemayaa Dayac aan Caadi aheeyn islamarkaana  aan la  dhayalsan Karin.

Wadooyinkii Xirnaa Ee Magaaladda Muqdisho  ayaa lasii adkeeyay waxaana jidadka lasoo dhoobay Ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta oo aad moodo in lala soo dardaarmay oo lagu yiri yaan lasii deeyn shacabka Al-shabaabna haloo Fududeeyo

Maxaa ka cusub Magaalada?

Muqdisho Online  oo ku kuur-gashay ayaa waxaa ay soo xaqiiqsatay goobaha muhiimka ah Ciidamadda Ku sugan ayna xitaa aqoonsi ku weeydiin hadii aad siiso 1-Doolar iyo waxyaabo kale oo k agdhaw,waana sababta Habacsanaanta amni keento.

hadii kali ah gaadiidka aad ku ogeyd in ay aqoonsi ku maraan agagaarka madaxtooyada haatan dadka caadiga ah aya ala weydiiyaa ID-yada,waadna moodaa in ay Dowladu marba marka kasii dambeeysay ay kasii dareeyso oo ay fashil amni cagta sii saareeyso

Saraakiisha Ciidamadda ee Jooga Koontaroolada ayaa qaarkood lagu keenay ina Adeer waxaana la xaqiijiyay in ay u badan yihiin hal-beel oo ah Beesha R/wasaare Kheeyre,taasna waa loo aaneey karaa amni xumida