Wasaarada Maaliyadda oo baadigoob ugu jirta lacagtii Kenya [AMISOM] loo siiyey hawlgalada Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Wasaarada Maaliyadda dalka Kenya oo baadgoob ugu jirta lacagtii Kenya  oo kamida ciidamada AMISOM loo siiyey hawlgalada Soomaaliya. Dhaqaalaha Midowga Afrika ku bixiyo ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya ayaa la sheegay inay toos ugu dhacdo Wasaaradda Difaaca ee Kenya.

Dhanka kale, sida uu qabo sharciga dalka Kenya,  Wasaarada Gaashaandhiga ayaa lacagta ay ka helaan Hawlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya ahayd in ay kusoo wareejiyaan wasaarada Maaliyadda taasi oo aan dhicin, sida uu sheegay Agaasimaha Maaliyadda Julius Muia oo warbixintiisa u gudbiyey Baarlamaanka Kenya.

Midowga Yurub (EU) ayaa bixiya lacagta ugu badan ee hawlgalada AMISOM, dhaqaalahaasi oo lasoo marsiiyo Midowga Afrika ayaa waxaa loo gudbiyaa dalalka ay ciidamadooda ka hawlgalaan dalka Soomaaliya.

Askari walba oo ka shaqeeya AMISOM ayaa hela lacag ka badan 1kun dollar, dowlada Kenya ayaa ka jarata 200 dollar askari walba, waxayna askartooda qaataan 800, lacagta laga jaro askartaasi oo ahayd inay ku dhacdo Khasnada dowlada Kenya ayaa la sheegay inaysan soo dhaafin Wasaaradda Difaaca ee Kenya, sida ay ku dooday Wasaarada Maaliyadda ee Kenya.