Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadahada Maamulka Hir-ShabeelleYaxye Ismaaciil Maxamed oo lahadlay Warbaahinta ayaa eedeyn ujeeediyay Wasaaradda Ganacsiga Xukumada Federaalka ee Soomaaliya.
Yaxye Ismaaciil Maxamed Wasiirka Ganacsiga Hi-Shabelle ayaa ku eedeeyay Wasaarada Ganacsiga inay gabi ahaan jartay xiriirkii kala dhaxeeyay,sidookale Wasiirka ayaa sheegay in wax dhaqaalo ah eysan ka helin Wasaarada Ganacsiga Xukumada Soomaaliya.
Wasiir Yaxye ayaa ugu baaqay Wasaraa Ganacsiga inay ka soo baxdo kaalinteeda waxuuna xusay in iyagu wax walba oo ay ku sii socon karto wada shaqeynta labada dhinac ay diyaar uyihiin.
Dhanka kale Wsaiir Yaxye ayaa waxaa oo ugu baaqay dhamaan Ganacsatada deeganada Hir-Shabeelle in sida ugu dhaqsiyaha badan ay iskaga soo diiwaan galiyaan Wasaarada, waxuuna intaas ku daray in cidii aan iska soo diiwan gali Wasaarada talaabo laga qaadi doono.
Hadalka wasiirkan ayaa imanaya Xili uu jiro qilaaf udhaxeeyo Dowlad Goboleedyada dalka ee uu qeebta ka ayahay kan Hir-Shabeelle iyo Dowlad dhaxe ee Soomaaliya.