Wasaarada Gaadiidka oo Shirkad gaar ah qandaraas ku siisay Xalaaleeynta Dhaqaallaha Bajaajleeyda Muqdisho (VIDEO)

Reading Time: < 1 minute

Qaar ka mid ah wadayaasha  gaadiidka Bajaajta loo yaqaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay cabasho xoogan ka muujiyeen wasaarada Gaadiidka Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa ay sheegeen in lacago xad-dhaaf ah laga qaado markii ay doontaan ama ay cusbooneeysiinayaan sharciyada wadista gaadiidkaan.

Shirkad lagu magacaabo Balqiis oo hoos tagta Daacad Car Care ayeey sheegeen in la marsiinaayo gaadiidka ka dibna ay qaadanayaan Lacag dhan 20$ taasi oo ay shuraako ku yihiin mas’uuliyiinta wasaarada iyo shirkadaasi.

Wasaarada Gaadiidka ayaa sidaan oo kale waxaa horay loogu eedeeyay in ay bixisay qandaraasyo naas-nuujin ah