Wasaarada Difaaca Somaliland oo sheegtay in Puntland soo weerartay ciidankeeda

Reading Time: < 1 minute

Wasaaradda Difaaca Somaliland ayaa sheegay in saakay weerar lagu soo qaaday fadhiisimada ciidamada qaranka  ee Somaliland ee jiidda hore ee gobolka Sool

Dagaalka  saakay ayaa ka bilowday halka loo yaqaan Maraaga ee duleedka Laascaanood.
Wararka qaar ayaa sheegaya  in Dagaalka uu yimid kaidb markii ciidamada SSC ay heleen waxa ay ku shegeen  “xogo muhim ah” oo ku aadan in saaka ay weerar qorsheybeyaan Ciidamada Somaliland.
Warmurtiyeedka ka oo baxay Somaliland ayaa sidaan u qornaa:

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay u taagan tahay nabad, horumar iyo in ay wadamada jaarkeeda kula noolaato nabad, xasilooni iyo walaalnimo.

Haddaba Maamulka Puntland ee Soomaaliya oo ay is-garabsanayaan Kooxaha nabad-diidka iyo argagixisada waxa ay saaka weerar ku soo qaadeen fadhiisamada Ciidamada Qaranka  ee jooga jiidda hore ku sugan ee  Gobolka Sool.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxay kaga jawaabeen gardarada iyo weerarka Maamulka Puntland dhirbaaxo aanay mahadin, masuuliyada weerarka waxa qaadi doonta Maamulka  Puntland-Soomaaliya.

Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka iyo wadamada Jaarka ah in Maamulka Puntland ay gacan siinayaan kooxo argagixiso ah oo doonaya in ay  isku fidiyaan guud ahaan Mandaqada Geeska Afrika.

Cabdiqani Maxamuud Caateeye
Wasiirka Gaashaandhiga JSL