Xilli dhawaan ay sheegeen guddiga dib u eegista dastuurka u qaabilsan Baarlamaanka Soomaaliya in holwahaooda ku aadan qabyo tirka dastuurka ay fara gelin kala kulmayaan xukuumadda soomaaliya ayaa arintan waxaa ka hadlay wasaarada dastuurka Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda dastuurka ee xukuumadda soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmin oo la hadlay Kulmiye ayaa waxaa uu beeniyay in fara gelin lagu hayo Dastuurka dalka .
Sidoo kale Wasiir ku xigeenka wasaaradda dastuurka ee xukuumadda soomaaliya ayaa cadeeyay in meel wanaagsan ay marayso in laga wada heshiiyo awoodaha la isku heysto ee u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo Madaxda maamul gobaleedyada dalka ka jira.