Wasaarada Dasturka Konfur Galbed oo Joojisay Wada Shaqeyta Wasaarada Dasturka Dowlada Federaalka

Reading Time: < 1 minute

Wasaarada Dastuurka Maamulka Koofur-Galbeed war kaso baxay ayaa lagu sheegay in xariirkii ay la haayeen wasaarada Dastuurka Soomaaliya ay u jareen, sidaasi waxaa lagu yiri warqad kasoo baxday xafiiska wasiirka dastuurka Koofur-Galbeed Cabdullahi Shiiq Xasan.

Wasiirka wasaarada Dastuurka Maamulka Koofur-Galbeed Cabdullahi Shiiq Xasan ayaa sheegay in la dafiraad weyn loogeystay Wasaarada Dastuur ee Koofur-Galbeed isla markaana dafiraadaasi uu ka danbeeyay Wasiirka Wasaarada Xukumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jirriil.

Dafiradasi ayay wasarada shegtay intahay booqasho uu wasiir xoosh iyo wafdi uu hogaminayo ay ku tagi lahayeen magalada baydhabo ee xarunta gobolka baay uu baaqday iyado an laso wargalin wasarada dasturka Koonfur Galbeed.

Booqashadaasi ayay kula kulmi lahaayeen wafdigaan Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed soomaliya Shariif Xasan Shiiq Aadan iyo waliba ururada bulshada rayidka ah ee maamulka koonfur galbeed soomaliya balse waxaa lagu yiri arintyaasi ayaanana dhicin.

Warqadaan uusoo saaray wasiirka wasaarada dastuurka ee maamulka koonfur galbneed soomaliya Cabdullahi Shiiq Xasan ayaa waxa sidoo kale lagu sheegay mar hadii qaladkaasi dhacay lagu laabto ismaalrkaana raali gelin laga bixiyo.