Wasaarada Arrimaha Gudaha oo odayaal Dhaqameed ka hor istaagtay Xalinta Dagaalka ka socda Maxaas(Ogoow sababta)

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka aan heleeyno odayaal kasoo kala jeedo laba beeleed oo ku dagaalameeyso Gobolka Hiiraan ayaa loo diiday saakay in ay ka duulaan Garoonka Diyaaradaha ee Aadan cadde.

Oayaasha ayaa lagu wargeliyay in aysan bixi karin islamarkaana ayna fasax ka heeysan wasaarada arrimaha gudaha iyo federaalka,taas ayaan sababtay in ay dib ugusoo laabtaan Guryahooda sida ay inoo xaqiijiyeen qaarkood.

Dagaalka ayaa wali ka socda Maxaas waxaana la ogeeyn sababta rasmiga ah ee ay dowladu u diiday in lasoo qaboojiyo dagaalkaasi,Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ku baxay dhawaan ayaa sidoo kale xal ka keeni waayay.

Sababta ugu weeyn ayaa lagu sheegay in Wasaaradu ay ku wargelisay in aysan ka warqabin bixitaankooda