Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Guddoomiyaha cusub ee Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo maalmo ka hor lagu magacaabay kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirada ayaa la ogaaday in ay muddo fog ay saaxiibo dhow ahaayeen Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Mr Cabdiraxmaan ayaa ahaa madaxdii hey’adda NRC ee dalka Norway u qabailsanaa Somaliland, hey’adaas uu hogaamin jiray Xasan Cali Kheyre ka hor inta aan loo magacaabin Raysal Wasaaraha Soomaaliya sanadkii 2017kii.
Sida ay ogaatay MOL, Cabdiraxmaan ayaa ku soo bixin Imtixaan, balse uu isaga la fariistay Kheyre islamarkaana uu ka dalbaday Xilkaan taas oo keentay in loo magacaabo Guddoomiyaha cusub ee Bankiga dhexe.
Mas’uuliyiin katirsan hey’adda NRC oo ku sugan Somaliland ayaa MOL u sheegay in Raysal Wasaare Kheyre iyo C/raxmaan Maxamed C/llaahi ay muddo aad u fog ahaayeen saaxiibo aad isugu dhow islamarkaana uu C/raxmaan xilka iska casilay markii Kheyre loo magacaabay Raysal Wasaaraha Soomaaliya kadibna laga dhigay la Taliye sare oo dhanka dhaqaalaha iyo Maaliyadda ah kana shaqeeya Xafiiska Kheyre.