Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisiciid Muuse iyo ku xigeenkiisa Balal  Cusman oo Diiday Amarka RW Rooble.

Reading Time: 2 minutes

Wasiirka iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Cabdisicid Muse iyo Balal Cusman ayaa diiday  inay fuliyaan siyaasadda Xafiska RW taas oo ah waajibaad la siiyey oo ahaa inay tallaabo ka qaadaan qof ajnani ah oo ku xad gudbay diplomasiyadda iyo sharafta dalka , Fransisco Madiera, kaas oo lagu hayo falal iyo hadallo muujinaya inuu ku dhex walaaqan yahay Arrimaha gudaha ee Somaliya.

Labadan masuul oo ka tirsan golaha wasiirada uu hogaamiyo RW Rooble ee xukuumada sii haysa xilka dowladnimo ee dalka, kadib markii uu waqtiga ka dhammaaday dhamaan hay’adaha distuuriga  ayaa isu haysta inay yihiin shakhsiyaad awood u leh inay wasaaradda ka fuliyaan waxay rabaan, halka ahayd  sharciyan inay fuliyaan siyaasadda Xukuumadda  kana amar qaataan madaxa xukuumadda oo ah RW Rooble.

Xaruunta golaha wasiirada ayaa ku amartay inay tallaabo ka qaadan Francisco Madiera.

Madeira waxaa lagu hayaa caddeyn weyn oo codkiisa ah isagoo u hadlaya si ka baxsan anashaxa diplomasiyadda iyo faragelin cad oo hawshiisa iyo awodiisa bannaanka ka ah.

Wakiilada ururada caalamiga iyo kuwa urur goboleedka waxaa xaq loogu leeyahay inay ka fogaadaan faragelinta arrimaha gudaha dalalka ay joogaanoo ay ixtiraamaan sharciyada waddamadaas u yaalla haddii ay xad gudbanna waa sax in la eryo horayna waa loo eryey.

RW Cali Maxamed Geedi 2006 waxaa uu eryey Maxamed Cabdi Afey kadib markii uu ku xadgudbay arrimaha Guadaha dalka, Sidoo kale dowladda Xasan Kheyre iyo Farmajo waxaa eryeen Wakiilkii XGQM ee Somaliya Mr Haysom iyo K/Xigeenkii Amisom Malungo.

Sidaas darteed eryidaan kama duwana kuwaas haddii aysan jirin:

1- In la rabo in doorashooyinka lagu daahiyo oo ay Villada abuureyso xasarad iyo muran cusub Farmajana yahay horseedka qaska ay sameeyeen Cabdisiciid iyo Balal oo isaga ka amarqaata, kuwaas oo aan garan cidda ay hoostagaan una warbixiyaan.

2- Haddii aan caddeyn lagu hayn Falalka Madiera, iyana xaq looguma yeesheen eryidda,laakii waa lagu hayaa oo codkiisa ayaa bannaanka yaalla kaas oo uu ugu gafayo Madaxweynayaashii hore iyo taliyaha CXDS isla markaana waxba kama jiraan ka soo qaaday masiibadii Baladweyne ee shacabka lagu laayey.

Sidaas darted,  eryidda waa sax waana inay fushaa, sidoo kale RW Rooble waa inuu xilka ka qaadaa wasiiradda oo muujiyey inaysan ku shaqeyneyn siyaasadda wasaaradda oo ah tan xukuumadda una shaqeeya dano gaar ah. Haddii uusan ka qaadin waxaa caddaaneysa inaysan jirin gole wasiiro iyo Xukuumad iyo Ra’iisul wasaare taas oo markale dalka khater weyn ku ah.

Cabdisiciid iyo Balal waa in loo eryaa sidii loo eryey raggi ka horreyey wasaaradda soo maray kadib markii lagu eedeeyey falal aan ka mid ahayn siyaasadda Xukuumadda sida Maxamed Cabdirizaq iyo Axmed Cawad.