Bisha Sabtember 20 keedii ee sanadkaan ayaa gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaran waxa ay soo sareen qoraal ay ku shaaciyeen in xubtina Baarlamaanka ee Bessh Warsangele , jufadda Dubays uu firaaqo noqday ka dib markii uu iska casilay xildihibaankii hore Mudane Dahir Cali Farah Dahar.
Sida ay MOL horay idinkuugu soo tabisay Xildhibaan Dahir ayaa kurgisa waxa ka iibsday Wasiirka Qorsheeynta Qaran Jamal Maxamed Xassan oo ku bixyay aduun gaaraya $225,000 oo doolar.
Dhanka kale Ra’iisal Wasaare Xassan Kheyre ayaa waxaa u magacaabay Xildhibaan Dahir in uu noqdo Qunsulka Somaliya u fadhiya dalka Jabuuti. Waxaa xildihibaan Dahir la isugu daray lacag iyo xil si Jamal Maxamed Xassan u noqdo Xildihibaan ka tirsan Baarlamanka Somaliya.
Beesha Warsangeli ayaa waxaa malintii doraad ahyd ay soo saartay baaq ay u dirtay dhamaan xubnaha dowladda taas oo ay uga soo horjeedaan iibsashada kurisga beesha. Afhayeenka Beesha Warsangali Maxmed Xassan Cali ayaa ku baaqay in Xukumaada Kheyre ay faraha kala baxdo arimha u gaarka beesha Warsangeli.
Waxaa muuqato in dhaca hantida qaranka ay hadda ku darsatay xukuumadda Kheyre in ay iibsadaan kuraanta xildhibaanadda.