Gen. Maxamed Saciid Morgan oo dowladdii kaligii taliska Maxamed Siyaad Barre soo noqday taliyihii qeybta 26 ee tacadiyada badan ka geystay magaalooyinka gobolada Waqooyi Galbeed iyo Togdheer, markii danbana noqday Taliyihii CXDS aya waxaa loo magacaabay La Taliyaha Ciidamada ee Xafiiska RW Xasan Cali Kheyre.
General Morgan oo loo yiqiin (Dilaagii Hargeysa) aya baraha bulshada waxaa lagu faafiyay kaarka aqoonsi (Business Card) taasoo caddeyneysa in loo magacaabay jagada la taliye sare ee RW Kheyre.
MOL aya heshay warbixin uu Gen. Morgan u soo diray Madaxweynihii hore Maxamed Siyaad Barre taasoo uu ku sheegay in ciidankiisa ay gubeen tuulooyin isla markaasna ay cagta markiyeen shacabkii rayidka aha ee degenaa tuulooyinkaas, waxaana uu sheegay in halkaas ay ka dhacay “Yaa ISAAQ aheey” sida aad ku arki doontid lifaaqa warqadda oo ay heshay MOL.
Tan iyo markii uu ku guuleystay doorashadii Feb 8, 2017. MW Farmaajo aya maamulkiisa waxaa uu dardargeliyay hannaan xukun kaligii talis ah, waxaana xafiiska Madaxweynaha soo buuxdhaafiyay saraakiishii hore ee geystay falalka danbi oo lagu xasuuqay shacabka gobolada waqooyi.