Warqad furan oo ku socoto RW Kheyre: Fursad ama qasaaro siyaasadeed keebaad dooran doontaa?

Reading Time: 5 minutes

Mudane Raiisal Wasaare,

Qoralkan kooban ujeedadiisu waxa ay tahay in uu kula wadaago talooyin iyo aragtiyo kaa caawin kara in aad qaadato go’aan siyaasadeed oo saameyn ku yeelan doono mustaqbaalkaaga, kan dalka iyo kan beesha aad ka dhalatay.

Mudo laga joogo labo sano iyo hal bil ka hor ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxa uu kaa soo xushay kumaan  kun oo Soomaaliyeed oo kaa aqoon iyo karti badan si aad u hogaamiso xukumada Soomaaliya. Soomaalida inteeda badan aad ayaa ay ula yaabtay magacaabistaada,  qaar waxa ay kuugu tuhunsanaayeen in aad ka tirsanayd dowladii la radiray ee Xassan Shiikh, qaar kale waxa ay xasuusteen dacwadii ay kuugu soo oogtay Hay’dda Qaramada Midoobay halka Soomaali kale ay rumeysnaayeen in aad xaraashtay Shidaalkii Soomaaliya.  HADANA, shacabka Soomaaliyeed waa ay ku soo dhaweeyeen iyaga oo rajo ka qabay in aad wax ka badashid xaalada Soomaaliya ku jirtay.

Nasiib xumo labo Sano ka dib, wax badan ma qabsoomin, waxaa uu Madaxweyne Farmaajo kuu xilsaaray in aad shan arimood oo xassaasi u ah dib u dhiska Soomaaliya in aad wax ka qabato, dhamaantoodna waad ku guuldareysatay. Waxaana kamida arimahaas; Dastuurka, Qaban-qaabada doorashada, 2001, Arimaha Amniga, Fadaraalka, Ciidamada iyo guud ahaan isku haysta dalka.

Iska daa in aad wax ka qabato xaalada cakiran ee ka  jirta dalka, ee waxa uu dalka galay xaalad khatar ah oo keeni karta in uu dalka dib ugu noqdo dagaal sokeeye. Waxa aad la timid dhaqan aan horay looga baran siyaasada Soomaaliya oo ah in aad ka tagtay xishoodka iyo qadarinta xafiiska laguugu aaminay adiga oo sida aad doonta ugu tagri falaya. Waxaa sidoo kale aad si dadban aad u burburisay hay’adii sharci dajinta oo ah hay’dda kaliya ee isku haysa dalka. Hadii ay hay;addaas burburtana waa ay adkaanaysa sidii dalka dib la isugu soo celin lahaa!

Mudane Raiisal Wasaare,

Hadaba anaga oo ka anbaqaadeyno, isla markaana wax ka baraneyno khilaafyadii horay u soo dhex maray madaxdii hore  ee dalka ayaa waxaan kuugula talineynaa adiga iyo beesha aad ka dhalatay in aad wax ka barataan taariikhda  sooyaalka Soomaaliya.

Mudane Raiisal Wasaare,

Madaxweynaha Soomaaliya waa shaqsiga kaliya ee sida tooska ah ay labada aqal oo wada jiraa u soo doorteen isla markaana shacabka Soomaaliyeed si dadban u taageereen doorashadiisa. Halka aad adigu tahay qof   Madaxweynahu ka soo xushay umadda Soomaaliya sababta ay doonaba ha kuugu soo hushee.

Dhanka kale Madaxweynuhu waa ku soo magacaabi karaa laakiin shaqada kaama ceyrin karo. Waxaa shaqo fariisin kuugu sameyn karo oo kaliya Baarkaamanka ama golaha shacabka halka Madaxweynuhu uu kuu soo gudbin karo codsi ah in aad  is casisho. Taas macnaheedu ma aha in Madaxeynaha ku ekaanayo oo kaliya codsi uu adiga kuu soo gudbiyo, laakiin waxa uu si dadban u isticmaali karaa awoodahiisa dahsoon ee u leeyahay taas oo u sahleysa in uu shaqo  fariisin kuugu sameeyo.

Hadii Madaxweyne Farmaajo ka gaabsaday in uu shaqada kaa ceyriyo sababo la xiriira qoys ama dareen isaga u gaar ah, waxaa ay ku haboon tahay in aad adiga iska isxilqaanto, oo aad qadariso rabitaanka qofka shaqada adiga ku siiyay oo aad si sharaf leh isku casisho.

Mudane Raiisal Wasaare,

Waxa lama huraan ah aad wax ka barato taariikhda Soomaaliya soo martay taas oo kuu sahleysa in aadan sameeynin qaladaad  ay sameeyeen qaar ka mida Ra’iisal Wasaarayaashii adiga kaa horeeyay taas oo keentay in ay saxada siyaasadda si karaamo daro ah uga baxaan.

Sida aan ka soo baranay taariikhda Siyaasadda Soomaaliya, markastaa oo ay is qabtaan Madaxweyne iyo Ra’isal Wasaare waxa markasta talada ku dhamataa rabitaanka Madaxweynaha. Afartii dowladood ee ee ugu danbeeysay ee soo martay dalka , markastaa oo is qab-qabsi yimaado  waxaa ku baxayay oo kali ah Ra’iisal Wasaare. Taariikhda dhaw ee siyaasadda Soomaaliya ma jirto mar uu Ra’iisal Wasaare ka guuleystay Madaxweynaha.

Mudane Raiisal Wasaare,

Iyada oo hadaba la fiirinayo taariikha dalkeena Soo martay, ma muuqato sida ay suuragal ku tahay in aad dagaal siyaasadeed uga  guuleysato Madaxweyne Farmaajo.

Raiisal Wasare,

Marnaba kuuma suuragaleyso in aad kursiga ku sii nagaato mar hadii Madaxweyenhii adiga ku keenay uu go’aansado in uusan kalsooni kuugu qabin. MW Farmaajo ma aha shaqsi si toos ah kuu ceyrin karo sababo la xiriira qoyskiisa awgood, taas nacnaheedu ma aha in aad uusan doonaynin in aad u fudedeyso dareenkiisa ah aad iscasisho.

Mudane Raiisal Wasaare

Markasaa oo is qab-qabsi siyaasadeed soo kala dhexgalo labada mas’uul ee ugu sareeysa dalka, isqabqabsigaasna uu gaaro heer uu isku badalo colaad siyaasadeed  iyo in lagu dagaalamo awooda dalka, waxaa inta badan dhici jirtay in uu dhaawac soo gaaro howl qabadkii dowlada/xukuumaada, gaar ahaan hay’addaha fulinta.

Dhanka kale hadii iyada oo aan lawada shaqayn karin la isku dayo in  lawada joogana waxaa  taas burburya dowladanimada isla markaana waxaa xanibaad ku imaaneysaa shaqadii dowlada guud ahaan.

Is qab-qabisha siyaaseed waxaa ka dhalan jiray labo arin,

  1. in Ra’isal Wasaaraha is casilo oo shaqada ka tago isaga oo fiirinaya danta dalka iyo dadka iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed
  2. in uu dagaal siyaasadeed qaado isaga oo kaalmo ka dhigayana xildhibaanada mucaaradka ah oo ka soo horjeedo madaxweynaha taas oo iyadana markaastaa ku dhamaan jirtay xildhibaanadaas oo ka soo goosta Ra’iisal Wasaaraha dhankiisa kuna soo biira dhanka Madaxweynaha.

Sababaha ugu waaweyn  oo xildhibaanada ula safan  jireen Ra’iisal Wasaaraha wax ay ahay iyada oo intooda badan jago doon ah, waxa kaliya ee ku filnaa waxa  ah ahayd iyada oo uu Madaxweynuhu u balan qaado in ay ka mid noqon doonaan golaha Wasiirada ee xukanada  la dhisi doono.

Mudane Raiisal Wasaare,

Waligeedn marnaba ma dhicin in xildhibaanada la safto Ra’iisal Wasaaraha ay la dhamaysteen dagaalka siyaasadeed, mudo kooban ka dib waxa ay ku soo wareegi jireen dhanka Madaxweynaha oo leh awooda rasmiga ah.

Mudane RW,  hadii aad doonaysid in aad  wax badan ka ogaato  meeshii ay ku dhamaadeen dagaaladii siyaasadeed ee dhex maray Ra’iisal Wasaarayaasha iyo Madaxweynayaasha, fadlan wareeyso, Ra’iisal Wasaarayaashii hore Saacid, Cabdiwali, Cali Maxamed Gedi iyo Nur Cade.

Dagaalada siyaasadeed waxa ay dhamaantood ku dhamadaan in guushu raacdo Madaxweynaha,

Mudane Raiisal Wasaare,inta aadan rumaysan beenta ay kuu sheegayaan saxibadaada  oo ah in aad ka adkaan karto Farmaajo, fadlan fakar badan gali natiijada ka imaan karta dagaal aad la gashid Madaxweynahii adiga shaqada ku siiyay.

Mudane Raiisal Wasaare

Ma is weydiisay halkeey ku danbeeyeen Ra’iisal Wasaarayaashii go’aansaday in ay la dagaalamaan Madaxweynihii shaqada siiyay?

Afart Ra’iisal Wasaare ee sida toos ah ula dagaalay Madaxweynayaashii soo magaacabay waxa ku dhacay dhaawac siyaasadeed oo keenay in ay ka baxaan hawada siyaasadda dalka. Ra’iisal Wasarayaashaas waxaa ay kala ahaayeen; Cali Khalif Galayr, Saacid Shiekhdoon, Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cade) iyo Cabdiwali Shiikh. Qaar ka mida ragaan waxa ay ku baxeen wadahadal laakiin waxa uu wadahadalku yimid markii ay dagaalkii ku guuldareysteen.

Ma aha in Ra’iisal Wasaarayaashaasu ahayeen dad xun ama ay ka maqanayd wadaniyad, nasiib xumo dagaalka ay galeen kuna guuldareeysteen ayaa keenay in dhawac siyaasadeed oo ayan ka soo kabsan ku dhaco.

Waxaa ay lumiyeen saaxibadii la soo halgamay, waxaa ay dhawac siyaasadeed gaarsiiyeen beeshii ay ka dhasheen, dhaqaalihii ay mustabalka istcimaali laheeyeen waxa ay ku dhumiyeen dagaalkii ayan ku guuleysan karin

Dhanka kale marka aad dib u fiiriso Ra’iisal Wasaarayaashii is casilay ee go’aansaday in ayan marnaba la dagaalin qofkii ayaga soo magacaabay ee fursadda siiyay, dhamaantood waxaa ay heeleen fursad dhaqaale, waxaa ay heleen fursad ay dib ugu soo noqdaan siyaasadda dalka isla marnaakana aan shacabku u arag cadaw in ay ku yihiin jiritaanka qaranimada Soomaaliya.

Madaxdaas waxaa ka mida , Maxamed Cabdulahi Farmaajo, Cumar Cabdirashid oo labada is casilay iyaga oo fursad u heystay in ay dagaalamaan, labadiina waxaa ay ku guulaysteen in ay dib ugu soo noqdaan saxada siyaasadda dalka.

Mudane Raiisal Wasaare ,

Waxaan kuu soo soo jeedinayanaa talo ku wajahan adiga  (Kheyre) iyo Beesha Murusade ee aad adiga ka dhaatay!

Ra’iisal Wasaare waxaa ku soo magacaabay nin aad ehel tihiin, kursiga la guuguma  siinin aqoon aad shaqada u lahayd, dadnimo iyo mudnaan gaar ah laakiin Madaxweyne Farmaajo ayaa ehel ahaan kuugu hiiliyay isaga oo aan fiirinin danta guud ee dalka iyo dadka.

Hadaba waxa ay ku fiican tahay Ra’iisal Wasaare in aad si sharaf leh isku xilqaanto oo aad is casiho si aad dib ugu soo noqoto mustaqbal siyaasadda dalka.

Mudane Raiisal Wasaare,

Hadii aad qaato go’aanka ah in aad la dagaasho Madaxweyne Farmaajo dalka waxa aad  galineysaa qalalaase siyaasadeed oo keeni kara in aad xoog laguugu saaro taas keeni doonta aad lumiso fursadii siyaasadeed ee aad uga qeyb qaadan lahayd mustaqbalka siyaasada Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa iyada dhawac siyaasadeed oo aan laga soo kabsan karin uu gaarsiin doonaa beesha, Murusade ee aad ka dhalatay oo markii ugu horeeysay fursad u heshay in lagu tijaabiyo hogaanka dalka.

Hadii aad go’aansato inaad dagaal siyaasadeed la gasho Madaxweyne Farmaajo  waxa aad gelin doonaa beesha Murusadeeed iyo colaad aan waligeed ka harin iskaba daa in markale lagu aamino hogaanka dalka iyo dadka.

Mudane Ra’isal Wasaare,fadlan is casil oo dalka , dadka iyo taada badbaadi. Beesha Murusade waxaa la gudboon in aysan marnaba kuu  ogolaan in ay la dhimtaan hamigaada siyaasadeed.

Qadarin

Maxamed  Soomaali – (Muwaadin Soomaali ah)