Warmurtiyeedka la filayo inuu soo baxo dhawaan oon waxba ka badali doonin boobka doorashada

Reading Time: < 1 minute

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu Golaha Wadatashiga Qaran soo saaro warmurtiyeed ku saabsan qaabka geedi socodka Doorashooyinka dalka. Sida MOL loo xaqiijiyay warmutuyeedka ayaan gabi ahaanba aan ka hadli doonin qodobadii xasaasiga ee lagu muransanaa.

Sidoo kale madaxda ka qaybgalaysa kulankaas ayaa qoraalka ay soo saarayaan uu noqon doonaa mid magac u yaal ah iyada oo oo ayan waxba ka badali doonin boobka doorashada ee ka soota deeganada dowlada goboleedyada dalka.

Waxaa kaloo la soo saari doonaa jadwal marnaba aan la  ixtimaaami doonin kaas oo maraya wadadii ay mareen shanti jadwal eek a horeeyay kan maanta soo baxaya.

Waxaa muuqata walwal cusub  kaas oo ah in shirkaan dhowrka maalin socday uusan noqon doonin mid xal waara ka keena arimaha cakiran ee doorashooyinka.