Warmurtiyeed ka soo baxay Shirkii Wadatashiga Qaran ee Baydhabo

Reading Time: 2 minutes
Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Baydhabo.
War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob ayaa laga soo saaray Shirka Golaha, waxaana kamid ah in Guddi ay ku jiraan Madaxda maamulada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug loo diro Puntland oo tabasho qabta.
“Golahu wuxuu isla gartay in guddi ka kooban xubno kamid ah Golaha Wadatashiga Qaran oo kala ah Cabdicasiis lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe iyo Qoorqoor loo diro Puntland, si ay doorkooda uga qaatan wada-hadallada masiiriga u ah dhammeeystitka dowlad dhiska dalka” ayaa lagu yiri War-muriyeedka Shirka.
Halkaan ka aqriso warmurtiyeedkii oo buuxa