Wariye Macloow oo xabsiga la dhigay ka dib markii uu muuqaal ka duubay arday banaanbax dhigayay

Reading Time: < 1 minute

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay Camera Man ka tirsan Warbaahinta Dalsan,kaasi oo lagu xiray Saldhiga Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Maxamed Xuseen Maxamuud Maclow ayaa waxaa la xiray,isaga oo ku guda jira howlihiisa shaqo ee maalin laha ahaa.

Sababta loo xiray Maclow ayaa ah,kadib markii uu Muuqaalo uu ka soo duubay Arday ka cabaneysay sababta looga joojiyay Imxitaankii shahaadiga ahaa oo xalay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre uu ku dhawaaqay in gabi ahaanba la joojiyay Imtixaankaas.

Sidoo kale Camera Man Maxamed Xuseen Maxamuud Maclow oo ka tirsan Warbaahinta Dalsan Media Group ayaa Saldhiga Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir ku xiran muddo ku dhow saacad.