Wariye Hodan Naleeye iyo Maxamed Sahal oo ku dhintay qaraxii Kismaayo

Sida uu soo sheegay wariyaheena Kismayo tirada Dhimasha ayaa ilaa hadda waxa la xaqiijiyay afar (4), inkasta oo ay intaa ka badan karaan, waxaana dadka qaraxa ku geeriyooday kamid ah: Hodan Naleeye & Maxamed Sahal Cumar (Gacma dheere) oo kamid ahaa Suxufiyiin hotelka ku sugna Xiligii uu weerarka dhacayay.

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubbalanad ayaa sheegaya in dad ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday Hotel Cascasey la geeyay Isbitaalka Kismaayo.

Ku dhowaad 10-ruux oo dhaawac ah ayaa la geeyay isbitaalka sida Mustaqbal ay u sheegeen ilo wareedyo ku sugan Magaalada Kismaayo.

Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay isbitaalka Kismaayo si looga daweeyo, waxaana isbitaalka tagay dad raadinaya ehelkooda.

Sidoo kale dadka dhintay ee la aqoonsaday waxaa kamid ah Deeq Ciise Wabi oo la shaqeynay Hay’ado aan Dowli ahayn, isla markaana horay ula soo shaqeeyay Hay’ado hoostaga Qaramada Midoobe.

Saakay ayuu ka tagay Kenya isaga oo gaaray Magaalada Kismaayo oo uu ku dhintay isla galabta sida Mustaqbal ay u sheegeen dad garanayay.

Ciidamada nabadsugidda ayaay wararku sheegayaan in Hotelka Cascasey kasoo saareen qaar kamid ah dadkii ku jiray oo ay kamid yihiin Xildhibaanno, Odoyaal dhaqameed iyo saraakiil kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here