Wariye Hanad Cali Gulleed oo xalay ka badbaaday iskuday dil

Reading Time: < 1 minute

Waxaa xalay koox hubeysan ay magaalada  Muqdisho isku dayeen in ay ku dilaan   Wariye Hanad Cali Gulleeed oo ka tirsan idaacadda Goobjoog. Wararka ayaa sheegaya in koox ku hubeysan toorey ama mindi ay dhaawac u geysteen weriyaha, islamarkaana waxaa ay ka qaateen taleefoonadii uu watay.

Wariye Hanad Cali Guleed oo ka hadlay dhibkii xalay soo gaaray ayaa sheegay in afar dhalin yaro ah ay tooray ku weerareen, isagoona sheegay in dhaawac ay u geysteen kooxdaasi. Sida uu sheegay Wariye Hanad, lama inga sababta ka danbeeysay weerarka lagu qaaqday.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!