Wariye caan ah oo sheegay in MW Farmaajo qorsheynayo in uu dekada Marka ku wareejiyo Itoobiya

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo ay isa soo tarayso wararka sheegayo in MW Farmaajo kula heshiiyay dowladda Itoobiya in ay dalka Soomaaliya  soo galiso ciidamo hor leh ayaa hadana waxa jara dareen muujinaya in Farmaajo doonayo in uu si qarsoodi ah ugu wareejo qaar ka mida dekadaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku yaalo koonfurta Soomaaliya.

Wariyaha caaanka ah ee u dhashay Koonfur Afrika horayna au ahaa madaxa wararka idaacada BBC-da, Martin PLaut  aya sheegay in MW Farmaajo kula heshiyay Abiy Axmed in uu ku wareejiyo dekada magalada Marka. Warkaan ayaa sidoo kala waxa ka hadlay qaar ka mida aqaonyanada Itoobiyaanka ee ku nool dalka Maraykanka.

Madaama Farmaajo doonayo in Ciidamada Eritereeya iyo kuwa Itoobiya u qabtaan magaalada Muqadishu  iyo nawaaxigeeda ma aha wax lala yaabo in uu Itoobiya siiyo ama ku wareejiyo dekada Marka. Dadka reer Muqadishu ayaan marna ogolaan doonin in cidian Itoobiyaan ah iyo kuwa Eriteeyaan ah ay dib u qabsadaan Muqadishu.

[ditty_news_ticker id=”334563″]